Xaalada Afgooye oo maanta daggan kadib dagaal qaraar oo shalay halkaa ka dhacay
Arbaco, Oktober 19, 2016 (HOL)-Xaalada degmada Afgooye ayaa maanta daggan kadib dagaal qaraar oo shalay halkaa ku dhex maray ciidamada dawlada iyo Al-Shabaab.
Degmada Afgooye ayaa maanta ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fara badan la gaarsiiyay, iyadoo Al-shabaab ay ku sugan yihiin weli duleedka magaaladaa, lagana baqdin qabo inay dagaallo kale dhacaan.
Tirada dhimashada dagaalkii shalay Afgooye ka dhacay ayaa hase ahaatee sare u kacday kadib markii dad markii hore dhaawacyo soo gaareen ay mar bambe dhinteen.
Tirada ayaa haatan gaadhay 15. Dagaalka ayaa ku bilowday qarax gaari lagu soo rakibay.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira shaqaale dawlada Soomaaliya u shaqeynaayay. Qaraxa ayaa waxaa daba socotay rasaas xooggan ayadoo goobaha la weeraray uu ku jiray saldhig boolis.
'Waxaa dhintay 11 qof oo ay ku jireen askari booliska ka tirsanaa iyo shaqaale dawladeed', sidaa waxaa yiri C/Naasir Macalim oo ah guddoomiyaha Degmada Afgooye asagoo u waramaayay warbaahinta.
Lix ka mid ahaa Al-Shabaab ayuu sidoo kale sheegay in halkaa lagu dilay.
Dhanka kale meydadka ayaa qaarkood maanta la keenay caasimada Muqdisho. Waxaa sidoo kale isbitaalka Madiina ee caasimada Muqdisho la dhigay dad badan oo dagaalkaa ku waxyeeloobay.
Warar shabakada wararka ee Hiiraan Online ay heshay ayaa sheegaya in ilaa 8 qof oo dhaawac ah la dhigay Isbitaal Madiina.
Duniyo Cali Maxamed waa Agaasimaha Caafimaadka ee Isbitaal Madiina. Waxay warbaahinta u sheegtay in xaalada caafimaad ee dadka dagaalkaa ku soo dhaawacmay ee isbitaalkaa la dhigay haatan ay soo hagaageyso.
Waxay sheegtay in meydadkii qaar la aasay kadib markii eheladoodii ay aqoonsadeen inta kalena isbitaalka lagu haynayo ilaa laga aqoonsado.
“Isbitaalka maydka waxaa lasoo gaarsiiyay 6 mayd ah,” ayay tiri Duniyo Cali.
Afgooye ayaa 30km u jirta caasimada Muqdisho.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]