12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2016
C/raxmaan Saylici oo Dhaawacmay iyo Wiil Yar oo Hargeysa looga Qalayo Wadnaha (SAWIRRO)

Axad, November 06, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo Gaadhay lugta bidix ka dib markii uu ka siibtay marmarka gurigiisa.

Madaxweyne ku xigeenka oo xaaladiisa lala tacaalayo, isla markaana xaaladiisa caafimaad dhakhaatiirtu baadhayaan ayaa wararku sheegayaan in dhaawacu ka soo gaadhay misigta lugta Bidix oo loo malaynayo inay jabtay, taas oo keentay inuu kici kari waayo.

Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo ayaaa gurigiisa ku booqday, isla markaana soo eegay sida wax u noqday iyo xaaladiisa caafimaad, taas oo madaxweyne ku xigeenku uga xaal waramay xaaladdiisa caafimaad.

Madaxweyne ku xigeenka oo madaxweynaha uga warbixiyay sida ay wax u soo gaadheen markii uu dhacay, ayaa sheegay in markii nabarku soo gaadhay aanu wax dhiba dareemayn balse hadda aanu kici Karin iyadoo la taageero mooye, dhakhtaro doorina ay u yimaadeen kuna hawlan yihiin inay ogaadaan sida ay laftu wax u qabto.

Madaxweyne ku xigeenka oo Xaaladdiisa Caafimaad ay xilligaan Wanaagsan tahay, ayaa sheegay inuu ka siibtay Marmarka Guriigasa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Isbitaalka Carruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh ku booqday wiil shan jir ah oo qaliin looga samayn doono wadnaha, kaasoo uu ku soo dhashay wadnaha oo daloola.

Qalabkan qaliinka lagu samaynayo ayaa taariikhda noqonaysa markii u horeysay ee geeska afrika la keeno, isla markaana qaliin wadnaha ah laga fuliyo magaalada Hargeysa, waxaana barrigii hore CIsbitaalkan Carruurtu marka ay arkaan xaaladda sidan oo kale ah ama qaliin wadnaha u baahan waxay u diri jireen dibadda, gaar ahaan dalka Talyaaniga oo cisbitaalka Maxamed Sheekh laga soo caawiyo.

Bookhashada Madaxweynuhu ku tegay Isbitaalka Dr. Maxamed Aadan Siikh ayaa ah mid ku timid xaalada wiilkaasi ku sugan yahay oo noqonaysa markii u horaysay ee Somaliland lagu sameeyo qaliin noociisa ah, balse loo qaadi jiray Dalka Talyaaniga oo Muddooyinkii u dambeeyay uu Isbitalka Dr Maxamed xidhiidh dhinaca Qaliimmada ah ka Samaynayey, iyadoo sideed caruur ah oo noocan oo kale ah ama uu wadnuhuba daloolo lagu soo qalay dalka dibediisa, nasiib wanaagse maanta qaliinadii dibeda laga maarmay oo dalka gudihiisa lagu samaynayo, kaddib dadaal lagu bixiyay in dalka la keeno qalab ka qaliinada ee dibeda aynu uga baahan jirnay.

Isbitaalkan ayaa waxaa gacanta ku haya Urur laga leeyahay wadanka Talyaaniga, waxaana dhismihiisa iyo taakulayntiisaba bixisay xaas uu ka Geeriyooday Dr. Maxamed Aadan oo hore ugu dar-daarmay in Isbitaal laga dhiso dhulka Soomaalida, laakiinse Nasiib u heshay Hargeysa, Waxaana Cisbitaalkan gacanta ku haya Dhakhaatiir Ajnabi ah oo maamula, isla markaana kharashkiisa bixiya shacabka Talyaaniga, iyadoo caruurta wixii ku baxa ama lagu dabiibana bilaash tahay, waxaanu cisbitaalkani ka mid yahay cisbitaaladda ugu fiican ee caruurta ee ka jira Somaliland, iyadoo inta badan caruurta wax ka qaban kari waayaan loo diro dalka Talyaaniga si qalliino loogu sameeyo.

Sidoo kale, Waxaa iyaduna qayb ka qaatay Dhaqaalaha loogu keenayey qalabkaasi qaliinka xaaska madaxweyne Siilaanyo Marwo Aaamino Waris oo qaadhaanka loo ururinayey qayb ka ahaa.

Ugu dambeyn, Madaxweynuhu wuxuu isdul taagay una duceeyey wiilka u diyaarka ahaa in uu maro qalinkaas oo isagu markaa uun gelayey laguna fulinaayey qaliinka, waxaana dul fadhiyey wiilka aabihii oo isna dareenkiisa cabiray sheegayna in uu Alle talo saaranayo kana baryayo inuu ku guuleeyo wiilkiisa qaliinkaa uu maanta marayo. iyadoo dhakhaatiirtu sheegeen in maalmahan ilaa afar qof oo kale ay maridoonaan qaliino la mida kan ay hada gacanta ku hayaan. Somalilandna ay noqotay dalkii uGu horeeyay Geeska Afrika ee yeesha Dhakhtar ama Isbitaal fuliya Qaliinmada Wadnaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland