12/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 26, 2016
Abaaraha ka jira Deegaannada Puntland oo sii Xoogaysanaya iyo Baaqyo la jeedinayo (SAWIRRO)

Sabti, November 26, 2016 (HOL) — Guddiga Abaaraha Puntland oo Maanta Garoowe ku qabtay shir jaraa'id oo ay warbaahinta kula hadleen, ayaa sheegay inay sii xoogaysanayaan Abaaraha ka jira Deegaannada Puntland, Magaalooyinkana ay soo galayaan dadkii Abaarta ku cayroobay.

Waxay Guddiga Abaaraha Puntland sheegay in goballada Karkaar, Nugaal, Bari, Mudug, Sool iyo Sanaag ay Abaartu ugu daran tahay, iyagoo xusay in Abaarta sannadkan 60% ay saamayn gaar ah ku yeelatay Dadka reer guura ah ama Xoolo-dhaqatada.

Guddiga Abaaraha Puntland, ayaa Cabsi badan ka muujiyay abaarta sii dabo dheeranaysa ee ka jirta Puntland oo ay sheegeen haddii ay sii socoto in ay galaafan karto boqollaal qof oo reer guura ah.

Sidoo kale, Suldaan Cabdulqani Qorane iyo Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culummada isku Hawshay Gurmada Abaaraha Puntland ayaa wadajir u sheegay in sifada mu’miniina lagu gaarto ay tahay isku Gar-gaardi Xiliyada Dhibaatada.

“Dadka Abaaruhu ku dhufteen, waxaa isugu darmay gaajo, oon iyo hoy la’aan Maadaama mar Waliba ay hayaan u yihiin halka qabowga lagu sheego ama baadka yar leh,” ayuu yiri Maxamed Caydiid Jaamca oo ah guddoomiyaha rugta ganacsiga Puntland oo baaq u diray kuwa ALLE uu deeqda siiyay inay wax baxshaan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/laahi Cumar Camay, ahna Guddoomiyaha Gurmadka Abaaraha Puntland, ayaa ka codsday dadka Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah in ay Abaaraha ka Qayb-qaatan, Wuxuuna sheegay in dadka gudaha ay mar hore abaarta inay wax ku darsadaan ay billaabeen.

Ugu dambeyntii, Baaqyadan ay sida wadajirka ah u jeednayaa Culummada, Wax-garadka, Ganacsataad,Golaha Wasiirada Puntland ee uu hoggaaminayo Madxweynake ku xigeenka Puntland, ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo ay soo xoogaysanayo Abaarta ka jirta Puntland, xilli Qaramada Midoobay ay sheegtay in 1.2-Miliyan oo Soomaali ah ay abaarta Sannadka Saamayn ku yeelatay.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya