12/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 15, 2016
Gargaar Raashin ah oo la Gaadhsiiyay Qoysas ay Abaaruhu ku Saameeyeen G/Sool (SAWIRRO)


Talaado, November 15, 2016 (HOL) — Guddiga Taakuleynta Abaaraha ee Gobolka Sool, ayaa deeq raashin ahayd maanta gaarsiiyay qayb ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kasoo barakacay gobolada Togdheer, Sool, Cayn, Sanaag, Mudug & Nugaal kuna sugan Dulleedka Deegaanka Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool.

Qoysaskaan, ay Abaaruhu Saameeyeen, ayaa la Gaadhsiiyay Deeqdaan oo isgu jirtay; Bur, Bariis, Sonkor, Timir iyo Caleenta Shaaha, gargaarkan oo ahaa mid ku yimid qaylo-dhaan ay xiliyadii ugu dambeeyay guddiga taakulaynta abaaruhu u dirayeen Dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada si ay uga qayb-qaataan caawimaadda loo fidinayo dadka tabaaleysan.

Sidoo kale, Wariyayaal ayaa shalay Deeq Raashin ah Gaadhsiiyay Qoysas ku tabaalaysan Duleedka Magaalada Laascaanood kuwaasoo isugu jiray dad ka soo hayaamay meelo fog iyo qoysas deegaan ku ahaa dooxada Ooda-gooye.

Caasha Maxamed oo ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen, ayaa HOL u sheegtay inay baahida cunada ay uga daran tahay tan biyaha ayna gabaabsi kaga sii jiraan ceelaalkii ay u biyaha u doonan jireen, taasina ay Wal-wal ku hayso, sidoo kale waxay xustay in aysan wax Naf leh uga Hadhin Xoolihii uu haystay qoyskeeda.

"Adhigii Tiro yar baa iiga hadhay, Geeliina Saddex neef baa iga hadhay, Toban Carruur ah ayaan wataa, waxaanan ahay dadkaa soo guurtada ah," ayaa ka mid ahaa hadalladii Caasha Maxamed.

Dhinaca kale, Caaqil Axmed Maxamuud San-balooshe oo ka mid ah Guddiga Taakuleynta abaaraha ayaa baaq u diray gancsatada, Madax-dhaqmeedka iyo culummada inay si buuxda uga qayb-qaataan samata-bixinta xaaladaha adag ee deegaanadan soo food-saartay.

Wuxuu kaloo, Caaqilku eedeeyn u jeediyay - Isimada Gobollada SSC, isagoo ku eedeeyay in aysan illaa hadda Hadal iyo Wax-qabad toona laga hayn Maalin ay Degmada Boocame isugu yimaadeen mooyee, markaasoo ay baaq ka direen, Sidoo kale wuxuu labada maamul ee ku tilmaamay wax muuqda aysan ka geysan abaaraha ba'an ee Deegaanadan ku dhuftay.

Ugu dambeyn, Isku-soo-wada-duuboo xaaladda abaareed ee ka jirta Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ah mid aad u baahsan, Taasoo Xaaladda Deegaanka uga sii daraya Maalinba maalinta ka  dambeysa.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]  
Laascaanood, Gobolka Sool