12/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 14, 2016
Dr. Cali Xaaji Warsame oo u taagan xilka Madaxweeynaha dalka oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo


Isniin, November, 14. 2016 (HOL) -- Magaalada Kismaayo waxaa saaka soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Dr. Cali Xaaji Warsame oo ah musharax u taagan qabashada xilka Madaxweeynaha Soomaaliya, ayadoo garoona diyaaradaha ee magaalada ay si diiran ugu soo dhaweeyaymadax ka tirsan Jubaland, ururrada haweenka, dhalinyarada, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kismaayo.

Dr. Cali Xaaji ayaa Salaan la dhex qaaday dadkii safafka ugu jiray soo dhaweyntiisa, waxaana goobta lagu soo bandhigay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yihiin deegaanada Jubaland, kuwaa oo qeyb ka ahaa soo dhaweynta mushaaxa.

Intaa kadib Musharax Cali Xaaji Warsame iyo xubnihii la socday ayaa loo gudbiyay magaalada, waxaana ay gaareen Hotel Kismaayo, halkaa oo ay ka socotay munaasibad lagu soo dhaweeynayo musharaxa.

Wasiirro ka tirsan dowladda Jubaland, odoyaal dhaqameed, haween iyo dhallinyaro ka hadlay xafladdii soo dhaweynta musharaxa ayaa sheegay in ay taageersanyihiin, ayagoo xusay in Dr. Cali Xaaji uu yahay aqoonyahan ay bulshada Soomaaliyeed u baahantahay in uu hogaanka u qabto.

Dr. Cali Xaaji Warsame oo munaasibadda qudbad ka jeediyay ayaa u mahadceliyay dhammaan dadweeynihii kala duwanaa ee kusoo dhaweeyay Kismaayo, isagoo sheegay in hadii uu ku guuleysto xilka Madaxweeynaha Soomaaliya uu wax badan ka qaban doono dhinacyada, nabadgelyada, dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashada Bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ujeedada uu isugu soo taagay xilkaasi ay tahay in uu badbaadiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo uu xusay in xilligan ay u baahanyihiin hogaan daacad ah.

Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa kamid ah musharixiinta u hanqaltaagaya xilka madaxweeynaha Soomaaliya, ayadoo la filayo in dhawaaan dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada hogaanka dalka, kadib marka ay soo dhamadaan doorashooyinka xubnaha aqalka hoose oo haatan ka socda qeybo ka tirsan gobollada dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.