4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2016
FAAHFAAHIN: Khasaaraha Weerarkii Xarunta Ciidanka Taraafikada lala beegsaday oo kordhay


Isniin, May 09, 2016 (HOL) — Inta la xaqiijiyay lix ruux ayaa ku dhintay 15-qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax iyo weerar toos ahaa oo saakay lala beegsaday xarunta ciidamada Taraafikada ee Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha hay'adaha amniga DF ka tirsan iyo Goob-joogayaal.

Qaraxan, ayaa waxaa geystay nin watay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo qof kale oo isku-dayay inuu xarunta gudaha u galo ay toogasho ku dileen ciidanka booliska ee halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale, Hawl-wadeennada Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, ayaa iyaguna u sheegeen Warbaahinta in lasoo gaarsiiyay 15-ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba, kuwaa oo ay u sameeyeen daweyn.

Lixda qof ee weerarkan ku dhintay, ayaa la sheegay  inay saddex ka mid ah yihiin askar ka tirsanaa ciidamada booliiska Somalia, halka inta kalena ay ahaayeen laba ruux oo weerarka qaaday iyo qof kale oo rayid ah.

“Weerarkan waxaa soo qaaday laba qof oo ka tirsan Al-shabaab, waxaa is-qarxiyay mid ka mid ah labadan qof, kii kalena waxaa toogtay ciidamada booliiska Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Xarunta ciidamada ilaalada Waddooyinka Muqdisho, ayaa ku taalla meel ku dhow hoteelka Jubba ee Muqdisho, iyadoo sidoo kale ku dhaw Safaaradda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Gobolka Banaadir.

Weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, iyadoo warbaahintooda ku sheegay inay weerarkaas fuliyeen ciidammo ka tirsan xoogaggooda oo ku sugan Muqdisho, ayna ku dileen weerarkaas sagaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ugu dabmeyntii, Kooxo hubeysan ayaa maanta laba qof ku toogtay Degmada Xamar-jajab, waxaana ciidanka Dowladda Somalia ay sheegeen ku guuleysteen inay soo qabtaan labadii qof ee dilkaas geystay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya