4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2016
Cabsi laga qabo inuu ku fataho Webiga Shebeelle Magaalada Balaweyne ee G/Hiiraan (SAWIRRO)

Isniin, May 09, 2016 (HOL) — Dadka ku dhaqan xaafadaha Xaawo-Taako iyo Kooshin ee Magaalada Beledweyne ayaa baqdin xoog leh ka muujinaya Fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeelle oo biyo xoogan wada.

Qoysaska qaar ayaa durbaba bilaabay in ay albaabahooda ka sii xir xirtaan guryihii ay ku noolaayeen, iyagoo cabsi qaba in mar kaliya wabigu gabiyada jabsado, madaama ay da'ayaan roobabka xiliga gu'ga.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in marka la eego biyaha uu waddo wabiga  iyo roobabka wali meellaha qaar  ka da'aya suurtagal tahay baqdin ay muujinayaan dadka ku dhaqan xaafaddaha magaalada, inkastoo wali aysan jirin saameyn ka dhalatay biyaha oo xaafaddaha qaar ku fatahay.

Duqa magaalada Beledweyne Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow ayaa sheegay in ay si dhaw ula socon doonaan arrintan, dhinaca kalana loo saaray guddi ka kooban hay'addaha samafalka iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Dadka sida weyn ula socda arrimaha fatahaada ayaa sheegaya in badanaa xiliga gu'ga ay dhif iyo naadir tahay fatahaad uu wabigu sameeyo marka  loo eego waqtiga deyrta oo inta badan ah xiliyada uu fataho wabiga Shabeelle.

Ugu dambeyn, bil ka hor yeey aheyd markii dadka ku dhaqan deegaanada uu maro wabiga shabeelle cabasho ba'an ka muujinayeen biyo la'aan soo wajahday wabiga, balse taas badal-keeda waxaa xilligaan jirta cabsi laga qabo in uu Gabiyada-jabsado kaddib markii uu buux dhaafay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya