4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2016
Puntland: Qoysas ay abaartu saameyn ku yeelatay oo Maanta loo Qaybiyay Raashin (SAWIRRO)

Isniin, May 09, 2016 (HOL) — Hay’ada HARO oo ka mid ah kuwa ka howlgala Puntland, ayaa Maanta Gargaar Raashin ah u qaybisay qoysas gaaraya 100, kuwaasoo ay saameyn ku yeesheen abaarihii dhacay sannadkan.

Mas’uuliyiinta Hay’adda HARO, ayaa sheegay in raashinkan uu qayb ka yahay Gurmadkii Guddiga Abaaraha ay sameeyeen, waxaana haddallo badalay qaybinta raashinka, iyadoo ay ka faa’iidaysan doonana kumannaan qoys oo ay abaaruhu ku yeesheen saameyn weyn.

Sidoo kale, Mas'uuliyiinta ka socday Maamulka Gobalka Nugaal, ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan deeqdan raashinka ah lagu qaybiyay, iyagoo sheegay in looga baahan yahay hay’adaha oo dhan inay muujiyaan doorkooda.

Qoysaska maanta la gaarsiiyay Deeqdan Raashinka ah oo ku nool Deegaanka Yucubley, oo ka tirsan gobalka Nugaal, ayaa si weyn uga mahad-celiyay Gargaarka raashinka ah ee lasoo gaarsiiyay.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inay shacabkii Abaaruhu saametsay yeesheen ay u baahan yihiin raashin qaybin iyo in la sameeyo dhiig-joojin nololeed, maadaama ay gabi ahaan xoolihii ay dhaqanayeen ay ka laysay abaarta.

Ugu dambeyn, Abaarihii dhawaan ku dhuftay qaybo ka mid Somalia, ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay shacabka, iyadoona dad badan oo xoolo-dhaqto ahaa ay magaalada kusoo yaaceen, kaddib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqan jireen.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya