4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2016
SAWIRRO: Madaxda Qaranka oo Wafdi ka socda Mareykanka kala hadlay Amniga iyo Doorashada

Isniin, May 09, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul wasaare, Cumar C/rashiid Cali, ayaa Maanta Muqdisho kulan kula qaatay Wafdi ka socday Mareykanka oo uu Hoggaaminayay Madaxa arrimaha Afrika ee Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mr Bruce Wharton.

Xasan Sheekh, ayaa wafdiga Xukuumadda Mareykanka uga warbixiyey horumarka siyaasadda, diyaargarowga Doorashada 2016-ka, arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo xiriirka labada dal.

Wafdiga Bruce Wharton, ayaa waxaa ka mid ahaa; Saraakiil ka tirsan xafiiska Safaaradda Mareykanka ee Arrimaha Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay Horumarka Soomaaliya ay ku Tallaabsaneyso, iyagoo si gaar ah xusay doorashooyinka sannadkan dhacaya oo ay ku Til-maamen kuwo muhiim u ah xasiloonida dalka iyo tan gobolka.

Sidoo kale, Bruce Wharton ayaa xusay in Mareykanka uu si buuxda u Garab-taagan yahay Soomaaliya, isla ma markaana taageeradaasi sii socon doonto ilamaa ay Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagto.

Madaxweyne Xasan iyo Sharma'arke, ayaa sidoo kale Wafdiga Mareykanka kala Hadlay dib u dhiska iyo isku dhafka ciidamada Soomaaliya, iyo weliba sida dowladda Federaalka ay uga go'an tahay in bisha August ay Soomaaliya yeelato baarlamaan cusub, haatanna baarlamaanka uu ka shaqeynayo sharciyadda nidaamka doorashooyinka ee 2016-ka.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid, ayaa Mareykanka uga Mahad-celiyay Taageerada iyo iskaashiga Wanaagsan ee ay Soomaaliya la leedahay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya