4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2016
Ururka IGAD oo Qalab ku wareejiyay Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada Somalia (SAWIRRO)

Isniin, May 09, 2016 (HOL) — Kulan Maanta lagu qabtay Xarunta Waaxda Duulista iyo saadaasha Hawada Soomaaliya ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa waxaa qalab lagu guddoonsiiyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee DF Somalia, kaasoo loo adeegsan doono Hagidda Diyaaradaha.

Waxaa kulankan goobjoog ka ahaa; Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac Jangeli, Danjiraha Somalia u fadhiya Nairobi, ahna Wakiilka IGAD ee Somalia, Jamaal Maxamed Xasan, Maareeyaha Duulista Hawada Somalia, C/waxid Sheekh Cumar, Wakiilka IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afeey, Guuleed oo isna ka tirsan saraakiisha sare ee IGAD iyo xubno kale.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa hadal ka jeediyay Wasiirka Gaadiidka Somalia, Cali Jangeli, oo sheegay in qalabkan uu u sahlayo waaxda duulista hawlo badan oo aanu horay u qaban jirin, isagoo sheegay in IGAD ay tahay hay’ad markeedii horeba loo aas-aasay inay kaalmooyin bixiso, ayna uga mahad-celinayaan,.

“Runtii waan uga mahad-celinaynaa madaxda ka socda IGAD ee uu Afeey ka midka yahay ee maanta qalabka loo adeegsan doono Duulista hawada Somalia si rasmi ah noogu wareejiyay… runtiina hawsha waaxda duulista Somalia halkii laga keenay iyo halka ay maanta joogo aad ayay u kala duwan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Jangeli.

Intaas kaddib, waxaa goobta ka hadlay Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo sheegay in qalabkan uu yahay mid ay IGAD gacan kaga geysanayso horumarinta Duulista Hawada Somalia, isagoo xusay inuusan noqon doonin kii ugu dambeeyay ee ay ku caawiyaan waaxda.

Guuleed oo ka mid ah agaasimayaasha sare ee Urur Goboleedka IGAD oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay in qalabkan uusan ahayn kii ugu horreeyay oo ay ku caawiyaan Dowladda Soomaaliya, balse ay dhawaan Wasaaradda Caafimaadka Somalia siiyeen qalab loo adeegsado biyaha.

“Waxaa noo qorsheysan inaan bisha November ee sannadkan keenno Soomaaliya, qalab lagu ogaanayo saadaasha hawada hadba heerka ay marayso, sidoo kalena ka caawin doona waaxda saadaasha hawada sidii ay uga gaashaaman lahayd haddii ay jiraan musiibooyinka dabiiciga ah.

Dhanka kale, waxaa iyaguna ka hadlay Danjire Jamaal Maxamed Xasan iyo Maareeyaha Waaxda Socdaalka Hawad Somalia, C/waaxid Sh. Cumar oo labaduba sheegay inay aad ugu farsaxsan yihiin qalabka ay IGAD ku wareejisay Waaxda.

“Qalabkan wuxuu naga caawinayaa la socodka cimilada, gaar ahaan mararka aysan wanaagsanayn. Sidoo kale wuxuu naga caawinayaa inaan duulimaadyada caalamka ee Somalia soo aadaya aan siinno macluumaad sax ah oo ku aaddan cilmilada dalka oo dhan,” ayuu yiri C/waaxid Sheekh Cumar.

Ugu dambeyn, Qalabka lagu Wareejiyay waaxda duulista iyo saadaasha Hawada Somalia, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Dowladda Somalia ay si rasmi ah dhawaan ula soo wareegi doonto Maamulka Hawada Somalia oo markii hore ka hawl-geli jirtay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya