4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2016
SAWIRRO: Xisbiga Horumarinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed (CPP) oo Muqdisho looga Dhawaaqay

Isniin, May 09, 2016 (HOL) — Muqdisho, ayaa waxaa looga dhawaaqay maanta Xisbi siyaasadeed oo loogu Magacdarey Xisbiga Horumarinta Muwaadiniitma Soomaaliyeed (Citizen For Somali Progress  Party), oo loosoo gaabiyo (CPP), iyadoo ay munasabadda furitaankiisa ka qayb-galeen xildhibaano, wasiirro, mas’uuliyiintya xisbiyada siyaasadda dalka, odoyaasha dhaqanka, Culummo, Ganacsato, Haween, Dhallinyaro iyo Marti-sharaf kale.

“Ujeeddooyinka xisbiga waa inuu difaaco xaquuqda muwaadinka, sugidda Amniga bulshada iyo sare u qaadidda nolosha qoyska Soomaaliyeed, la-dagaalanka Musuq-maasuqa, cadaalad-darrada, eexda, Qabyaalada, Jahliga iyo Faqriga, Dhiirri-gelinta Haweenka iyo Dhallinyarada si ay kaalin muuqata uga qaataan Horumarka, dib u dhiska siyaasadda, Hoggaanka dalka iyo dhismaha Garsoor hufan oo cadaalad ku dhisan,“ sidoo waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cumar X. Maxamed Shuuriye.

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ah Gudoomiyaha isbaheysiga Xisbiyadda Siyaasadda Saciid Jaamac Cali Qoorsheel waxaa uu sheegey in Isbaheysigiisu uu soo dhaweynayo Xisbiga Horumarinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed isagoo sheegey In Madaxda Xisbiga  ay yihiin kuwo ay ka go’an tahay in ay ka mira dhaliyaan yoolkooda oo isku keenida Ummadda Soomaaliyeed

Waxaa kaloo  Munaasbadaas lagu Daahfurayey Xisbiga Horumarinta Muwaadiniita Soomaaliyeed ka Hadley Xaniifa oo ku hadleysey Magaca Haweenka Soomaaliyeed iyadoo ku faraxsan Xisbiga ku soo biirey Xisbiyada Soomaaliyeed in Haweeenka Soomaaliyeed Guud ahaan ay la shaqeyn doonaan .wixii Talooyin ah ay ku biirin doonaan

Xubnihii kale ee ka Hadley Munaasabadaas Waxaa ka mid ahaa Gudoomiyayayasha Xisbiyada Daljir iyo Kulan Axmed Macalin Fiqi iyo Cabduqaadir Barnaamij waxayna labadoodu ay sheegeen in a ay soo dhaweynayaan Xisbiiga Horumarinta Muwaadiniita Soomaaliyeed waxayna ka Codsadeen Baarlamaanka Federaalka in ay dedejiyaan Xeerka iyo Sharciyada Xisbiyada oo ay sheegeen in uu saldhig u yahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho Xor ah oo Dimoqoraadi ah.

“Xisbiga Horumarinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed aad baan u soo  dhaweynayaa waana Xisbiga aan dhihi karo mid dhibaatada ka saari kara umadda Soomaaliyed sidoo kale waa uu u soo jeediyey Xisbiyada kale in ay soo dhaweeyaan Xisbigaan “  sidaa waxaa yiri Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha  Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Gabagabadii Gudoomiyaha Xisbiga Horumarinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed Axmed Cali Muuse Ababakar  oo ka Hadley Munaasabadaas ayaa waxaa uu yiri “ Sababtaan u dooraney Magaca Horumarinta Muwaadiniita Soomaaliyeed waxay tahay in Xisbiga uu ka shaqeeyo sidii dalka uu u horumarin lahaaueen islamarkaana Mawaadiiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen Xaquuqdooda  Aaasaasiga sida adeegyada Guud ee Bulshada

Waxaana intii ay socotey Munaasbadaas lagu daahfurayey Xisbigaas dadka waxaa  Maaweelinayey Fanaaniin Soomaaliyeed Kooxda SHAMBAL oo halkaa ku soo bandhigey Heeso qiira-geliyey Dadkii Munaasaabadda ku sugnaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya