4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2016
WASHINGTON POST: NISA waxay si khasab ah ku askareysaa caruurta ka soo baxda Al-shabaab


Isniin, May 09, 2016 (HOL) — Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray sida dhaqaalaha Maraykanka ay siiyaan Dowladda Somalia loogu adeegsado in carruurta ay basaas u noqdaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA.

Warbixinta ayaa lagu xusay in sannooyin badan ay Carruurtaasi ahaayeen kuwo ay hub iyo tababar siiyeen Alshabaab, isla markaana carruurtaasi loo soo diri jirey Aagaga Dagaalka ee hore.

Sidoo kale, Wargeyska ayaa xusay in inta badan carruurtaasi ay ahaayeen kuwo laga soo qafaasho dugsiyada, laguna khasbi jiray inay dagaallamaan.

Wargeyska wuxuu qoray inay Qaramada Midoobay xilligaas ku baaqday in carruurta laaga soo bixiyo goobaha dagaalka, iyadoo xukuumadda Washington ay shaacisay inay Al-shabaab carruurta u adeegsadaan inay aasaan miinooyinka iyo inay fuliyaan dilalka gaarka ah, waa sida uu qoray Wargeyska The Washinton Post.

Waxaa kaloo Wargeysku qoray inay Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee NISA ay sannooyin u adeegsanayeen Carruurta War-keenayaal la shaqeeya NISA, sida lagu muujiyey Wareysiyo lala yeeshay Carruurta iyo Saraakiil ka tirsan Somalia iyo QM, waa sida uu daaabacay Wargeyskaasi.

Carruurtaaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanka NISA u raacaan goobaha Alshabaab ku dhuumaalaystaan iyo inay tilmaamaan Taliyayaashoodii hore.

Wargeyska The Washington Post oo carruurtaas la hawl-gasha Hay'adda NISA ugu yeeray Far-muuqayaal ayaa xusay inay carruurtaasi ku jiraan kuwo da’doodu ka hosoeyso 10-sano iyo in dhowr ka mid ah la dilay iyo inuu mid ka mid ah isku dayey inuu is-daldalo mudadii lagu hayay baaritaanka, waa sida lagu soo daabacay Wargeyskaasi.

Dhinaca kale, Agaasimaha hay’adda NISA, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo isna u watramay Wargeyska The Washinton Post, ayaa beeniyay in Wiilasha kasoo goostay Al-shabaab lagu khasbo inay War-keenayaal noqdaan, wuxuuna sheegay inay jiraan Carruur weli lagu hayo baaritaan, kuwaasi oo la yaqaano inay khatar yihiin.

Wuxuu intaa ku daray in wiilashaas mararka qaarkooda si iskooda u raacaan Hawl-galadda oo ay Hay’adda NISA ka siiyaan warbixino muhiim, si looga hortago weeraro mustaqbalka dhaca.

“Haddii uu qof carruur ah ku biiray Alshabaab, markii uu 9 jirka ahaa, haatan da’diisa waa 16 jir, waana qof Libaax ah” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda NISA, Jen. C/raxmaan Tuur-yare.

Dhinaca kale, Afhayeenka Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA waxa uu ka gaabsaday in uu faahf-aahin ka bixiyo eedeymaha sheegayo in ay Hay’adda NISA u adeegsadaan Carruurta dhinaca Wardoonka.

Wargeyska The Washington Post, waxaa kaloo uu Qormadiisa ku xusay inay Wareysteen qaar ka mid ah Carruurta loogu yeero Far-muuqa ee la shaqeeya Hay’adda NISA, kuwaasi oo ka warbixiyey qaabka loo hawlgeliyo iyo khataraha ay kala kulmi karaan Alshabaab.

Ugu dambeyn, Marykanka ayaa waxay Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ka Taageeraan Hawlgalka lagu dagaallamayo Al-shabaab iyo Xarumaha Dhaqan-celinta ee ay ku jiraan dhallinyarada iyo ilmaha yaryar ee la sheegay inay ka soo goosteen Alshabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya