4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2016
Baarlamaanka Somaliland oo Diiday Xeerka Qandaraasyada Dawlada

Isniin, Mey 09, 2016 (HOL)-Baarlamaanka Soomaaliland ayaa diiday sharci baarlamaanku ka doodayay in dhawaale kaasoo ku saabsan qandaraasyada, waa Xeerka Qandaraasyada Dawlada.

Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka Somaliland uqaabilsan Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Dawlada ee Somaliland, Ibraahim Axmed Heybe ayaa warbaahinta u sheegay in shan sharci oo wada maaliyada kusaabsan ay yaaleen baarlamaanka, 2 ay ansixiyeen, kan kusaabsan qandaraasyada ay gaashaanka u daruureen, halka labo kalena ay harsan yihiin.

Wuxuu intaas ku daray in golaha baarlamaanka Somaliland iyo xildhibaanadiisu ay khiyaar u leeyihiin in ay ansixiyaan ama diidaan sharuucda loo soo bandhigo inay ka doodaan.

Labada sharci ee ay dhawaan ansixiyeen xubnaha baarlamaanka ee Somaliland ayaa kala ah Xeerka Canshuuraha Beriga iyo Xeerka Kastamada.

Xeerka la diiday ee qandaraasyada ayaa baarlamaanka lagu wadaa in lagu soo celiyo 3 bilood kadib si mar kale xildhibaanadu uga doodaan.

Qore: Aaden M Warsame
[email protected]