4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2016
SAWIRRO: Kulan lagu Taageeray Shirka Dib u heshiisiinta Baladweyne oo lagu Qabtay OHIO

Isniin, May 09, 2016 (HOL) — Kulan lagu taageerayay shirka dib u heshiisiinta iyo Aayo-ka-talinta Gobolka Hiiraan ee ka socda Baladweyne ayna soo qaban-qaabisay jaaliyada reer Hiiraan ee ku nool Magaalada Columbus ee gobolka Ohio, oo ay ka qayb-galeen Salaaddiin, Waxgarad, Odoyal, culummo, dhallinyaro iyo haween, ayaa xalay lagu qabtay magaalada Columbus.

Waxaa xaflada lagu taageerayay shirka dib u heshiisiinta iyo Aayo ka talinta Hiiraan furay, Ciise Guure Cali {Cumda} iyo Maxamuud Ibraahim Cabdi Camalow  oo ku hadlay magaca qaban qaabiyaasha shirka ayaa sheegay in ujeedada shirka ay tahay taageero loo muujinayo  shirka dib u heshiisiinta iyo Aayo ka talinta gobolka Hiiraan,kaasoo hormuud ay u yihiin duubabka dhaqanka gobolkasi.

Xafladan lagu taageerayay shirka dib u heshiisiinta iyo Aayo ka talinta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa sidoo kale hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyay qaar ka mid ah waxgaradkii iyo odoyaashii ka soo qeyb galay shirkaasi.

Intii ay socotay xaflada lagu taageerayay shirka dib u heshiisiinta iyo Aayo ka talinta gobolka Hiiraan ayaa waxaa qadka taleefonka uga soo qeyb galay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble iyo Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Raage waxan ay ka qeyb galayaasha xaflada warbixin ka siiyeen sida uu ku bilowday shirka dib u heshiisiinta,marxaladihii uu soo maray iyo halka uu  hada marayo.

Xafladan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xaflado kala duwan oo lagu taageerayay shirka dib u heshiisiinta iyo Aayo-ka talinta Gobolka Hiiraan ee ka socdo Baladweyne, kuwaas oo ka dhacay meelo kala duwan.

Cilmi Waare, Columus, Ohio
[email protected]