4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2016
Nairobi: Qareeno Soomaaliyeed oo Caawimaad Xagga Sharciga ah Usameynaya Soomaalida Kunool Eastleigh

Isniin, Mey 09, 2016 (HOL)-Xaafada Islii ayaa waxaa muddo dhowr maalmood ah kasocotay wacyigalin kusaabsan sida Soomaalida ku dhaqan xaafada Eastleigh ee Nairobi ay ku heli karaan caawimaad dhanka sharciga ah hadii ay u baahdaan.

Fagaare lagu qabtay jidka dhiniciisa teendho laga dhisay, waa waddada weyn ee laamiga ah ee General Waruinge Street oo hormarta dhismaha weyn ee Eastleigh Mall ayaa waxaa soo qabanqaabiyay isla markaana halkaa qudbado ka jeediyay abukaateyaal ama sharciyaqaano Soomaaliyeed oo badan oo Kenyan ah ugana xog waramay Soomaalida Easleigh in ay sharciga adeegsadaan si wixii xaq ay u leeyihiin ay u helaan.

Soomaalida ayaa muddo dheer dagganayd xaafada Eastleigh ayagoo aanan jecleyn maxkamadaha inay daba taagnaadaan hadii wax lagu qabsado balse ay ka door bidaan inay laaluush bixiyaan oo kiisaska sidaa lagu soo afjaro waxna aanan loo sii raacan, waa sida ay u badan yihiin arintaas oo in badan lagu dhalliilay eed ballaarana ay ka timid.

Arimahaas iyo kuwo kale oo badan ayay usoo bandhigeen sharci yaqaanadu. Waxay sidoo kale u ballan qaadeen inay ka caawin doonaan dhanka sharciga oo ay hawshaa u qumi doonaan.

Sidoo kale ayaa waxaa fagaarahaa ka hadlay khudbadana ka jeediyay masuuliyiin kale oo badan oo muujiyay ahmiyada ay leedahay arinta kusaabsan caawimaada sharciga ee kuwajahan in la siiyo shacabka ku dhaqan xaafada Eastleigh ee caasimada Nairobi, Kenya.

Qore: Aaden M Warsame
[email protected]