4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2016
RW Sharma'arke oo magacaabay guddi soo baara eedo loo jeediyay Hay'adaha Amniga DF Somalia


Axad, May 08, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa caawa guddi xaqiiqo-raadin ah u magacaabay eedo loosoo jeediyay hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddigaan, ayaa soo baari doona Wararka la xiriira adeegsiga dhallinyaro yar-yar oo kasoo goostay Al-shabaab, kuwaasoo hay’adaha Amaanku u adeegsaeen inay u soo basaasaan Al-shabaab xogana uga keenaan, sida lagu baahiyay Wargeysyo caalami ah.

Xubnaha Guddigaan oo Heer Wasiir ah ayaa ka kooban Afar Xubnood oo kala ah;

1. Wasiirka Cadaaladda, C/llaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir)
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
3. Wasiira Amniga Gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed
4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Somalia, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe)

Sidoo kale, Xukuumadda federaalka Somalia ayaa xustay inay cafis u fidisay dhalinyaro ka soo goostay Al-shabaab, ayna Taakuleyn siisay dhallinyaro badan oo horay uga soo baxday Al-shabaab.

Ugu dambeyn, lama sheegin xilliga guddigan uu RW Sharma’arke magacaabay ay si rasmi ah u bilaabi doonaan shaqadooda, iyadoo aan la sheegin in haddii eedahaan ay run noqdaan tallaabada ay xukuumaddu qaadi doonto.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya