4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2016
DANJIRE JAMAAL: DF Somalia ayaa si Rasmi ah loogu Wareejinayo Maamulka Hawada Somalia


Axad, May 08, 2016 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loogu wareejiyo maamulka hawada Somalia iyadoo Muqdisho la keenay qalabka lagu hago diyaaradaha, kaasoo la sheegay in laga keenay Magaalada Nariobi ee xarunta dalka Kenya.

Wararka ayaa intaa raacinaya in toddobaadka soo socda lagu wareejiyo maamulka Hawada Somalia Wasaaradda gaadiidka, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo gudaha Somalia laga maamulo hawada Somalia tan iyo sannadkii 1991-kii.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in Arrintan ay muddo kasoo shaqaynayeen, isagoo intaas raaciyay in ay tahay markii ugu horreysay oo qalabkan la keeno Soomaaliya tan iyo intii wadanku uu galay bur-burka.

Sidoo kale, Danjire Jamaal - ayaa xusay in Qorshaha xiga uu noqonayo sidii Somalia loogu Wareejin lahaa Maamulka Hawada oo hadda ay Maamusho Hay'adda QM ka tirsan oo lagu magacaabo ICAO.

“Qalabkaan, Wuxuu ka kooban yahay - Kambiyuutarro iyo Adeeggii saadaasha Hawada oo markii u horreysay Soomaaliya la keeno, waxaana gacan naga siiyay arrintan ururka IGAD iyo Hay’adda ICAO. inta ka hartay maamulka hawada dalka waxaa la soo wareegi doonta," Ayuu yiri Danjire Jamaal Maxamed Xasan.

Danjiraha, ayaa intaas raaciyay in dhawaan la keeni doono Muqdisho Raadaar lagula socon doono Diyaaradaha isticmaalaya Hawada Soomaaliya, isagoo xusay inay tani sahlayso inay Somalia awood u yeelato maamulka hawadeeda.

Ugu dabmeyntii, Qorshaha lagu wareejinayo Maamulka Hawada Somalia, ayaa muddo soo socday, waxaana laga yeeshay shirar badan, laakiinse go'aanka lagu Wareejinayo waxaa ka biyo-diiday Somaliland oo sheegatay inay tahay maamul madax-banaan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya