4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2016
DAAWO: Tartan Qur’aan Akhris ah oo ka furmay Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka (SWR)

Axad, May 08, 2016 (HOL) — Tartan Qur’aan akhris ah ayaa xalay si rasmi ah uga furmay Masaajidka Karmal ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, Tartankaas oo ay ka qayb-galayaan Ardayda kala dawan oo ka kala yimid Gobollada Waddanka Mareykanka.

Sheekh Tawakal Ismaaciil oo ka mid ah Culumada Minnesota, kana tirsan guddiga Qaban-qaabada tartanka, ayaa sheegay inay ka Qayb-galayaan 247 Arday, kuwaas  oo kala yimid Gobollo kala kala duwan, haba u badnaadeen Gobolka Minnesota.

Tartankan ayaa wuxuu noqonay midkii sannadkii labaad lagu qabto masjidka Karmel balse Tartanka Sannadkan ayaa kaga duwan kii Sanadkii hore ee 2015-kii inay ka qayb-galayaan 247 arday, maadaama kii sannadkii hore ay ka qayb-galeen 90-arday oo kaliya.

Guddiga Tartankaan, ayaa ah Macalimiin iyo culumaa'udiin waawayn oo aad loogu yaqaan akhrinta Qur’aanka Kariimka, kuwaasoo ka kala yimid dalalka fog sida Somalia iyo weliba magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Maraykanka.

DAAWO: Xafladdii Furitaanka Tartanka Qur'aan Akhriska ee Gobolka Minnesota;

Sidoo kale Tartankan oo Axadda maanta ah toos u billaabanaya, ayaa wuxuu socon doonaa illaa 15-ka bishan May, iyadoo Tartankaan lagu bixin doono abaal-marinno kala duwan oo ay ugu wayn tahay 27-ka Arday ee ugu horreysa iyo waaliddiintooda oo la geynayo Cimro bisha lixaad ee Sannadkan haddii ALLE idmo.

Xaflad furitaanka Tartankan Qur'aan Akhriska ah oo xalay ka dhacday Masjidka dhexdiisa, ayaa lagu sheegay dadka la siin doono Abaal-marinnadan kala duwan ee la bixinayo markii lasoo Gunaanado.

Ugu dambeyntii, Tartankan ayaa laga dareemayay suuqa weyn ee Karmel iyo agagaarkiisa, kuwaasoo ay ka muuqdeen Arday kala duwan oo ku labisnaa Dharka lagu yaqaanno Dadka Muslimiinta ah, Sida Khamiisyada iyo Koofiyado Ardayda ay soo Wada-xirteen.

Siyad Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota