4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2016
Kooxo hubeysan oo Wariye caan ahaa Maanta ku dilay Magaalada Karachi ee Waddanka Pakistan


Axad, May 08, 2016 (HOL) — Khurram Zaki oo ahaa Dhaqdhaqaaqe Xuquuqda Aadanaha iyo Wariye laga yaqaan Waddanka Pakistan, ayaa lagu toogtay Magaalada Karachi.

Boolisku waxay sheegeen in Zaki uu ku casheynayay maqaayad ku taal wadada dhinaceeda ee waqooyiga magaaladaas markii rag hubeysan oo watay labo mooto ay xabado ku fureen. Labo qof oo kale ayaa si daran ugu dhaawacmay. Ma cadda cidda ka dambeysay weerarka.

Khurram Zaki wuxuu ahaa Tifaftiraha bog lagu magacaabo "Aynu dhisno Pakistan" kaasoo Wax ka sheega Dagaallada kooxeysiga, isagoo ahaa Dhiirri-geliyaha Dimuqraadiyadda iyo mabaadi'da cilmaaniga.

Ololahiisa ugu dambeeyay, ayuu kaga hor-jeeday kuwa uu ku eedeeyay inay ka kicinayaan naceyb iyo dagaal looga horjeedo Muslimiinta Shiicada.

XIGASHO: BBC