4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2016
SAWIRO: Wasiirka Maaliyada Somalia oo Qalab kala duwan ku Wareejiyay Hay’adaha Dowladda

Axad, May 08, 2016 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somalia Maxamed Aadan Ibraahim [Ferkeeti], ayaa maanta ku wareejiyay qalab kala duwan oo ka koobanaa; Kombuyuutaro, Laabtoobyo, Birintiro iyo Footokoobiyo hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qalabkan ayaa loo isticmaalayaa Nidaamka cusub ee Maareynta Maaliyadda ee Financial Management Information System (FMIS) oo lagula soconaya dakhliga u soo xarooda DF Somalia, Nidaamkaan oo la hir-galiyay sanadkii lasoo dhaafay, balse hada si toos ah loogu xiray dhamaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay in qalbkaan ay Wasaaradu ugu talao-gashay in la ballaariyo Hufnaanta Maamulka Maaliyadda Waddanka iyo isla xisaabtanka, loona fududeeyo qoondooyinka Miisaaniyadeed ee Hay’aduhu ka soo Dalbanayaan Wasaaradda Maaliyadda.

“Waxaa qalabkan ka fa’iidaysanaya 57 hay’adood; waxaana loo isticmaalayaa  in hay’ad kasta ay xafiiskeeda kasoo dalbato wiixi la xariira meel marinta miisaaniyadeeda, kulan socoto kharashaadkeeda, Wixii xog ahna ay la wadaagi karto Wasaaradda Maaliyadda DF, Wuxuu sidoo kale Suuro-galinayaa in si fudud loo diyaariyo Warbixinnada Maaliyadda, haddii ay ahaan lahayd mid Maalinle ah, Toddobaadle, Bille ama Saddex biloodlaha. Isla markaasna wuxuu fududaynayaa raad-raaca dhanka isla xisaabtanka iyo hanti dhowrista,” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Isagoo intaas ku daray. “Nidaamkaan wuxuu hadda marayaa Qaab toos  u tabinaya (Live) isku xirka dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha soo gala dalka, wuxuuna isku xiray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe, Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha, Waxaana Hadda loo gudbiyay dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, taasoo macnaheedu tahay in lala socdo daqiiqad kasta dhaqalaha dalka soo galay iyo siduu u baxay.”

Ugu dambeyn, Waxaay arrintaan qayb ka tahay Hagaajinta Maamulka Maaliyadda guud ee Somalia oo Wasaaradu ay waday ilaa 2013. kaasoo hada maraya qaab la jaan-qaadi kara caalamka, si gooni ahna wasaarada loogu amaanay iney wax badan kaga horayso dalka ka mid ah kuwa soo koraya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya