4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2016
Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo digniin u diray maleeshiyaadka dhigta Is-baarooyinka


Axad, May 08, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kula hadlay Qaybaha bulshada, ayaa soo Hadal-qaaday dhibaatada kooxaha dhigta is-baarooyinka dhigta deegaanada Galmudug ay dadka iyo nolosha bulshadaba ku hayaan.

C/kariin Guuleed, ayaa sheegay inay la dagaallami doonaan kooxaha Isbaarooyinka dhigta, kuwaasoo uu sheegay inay yihiin kuwo sharci-darro oo aan habboonayn dadka lagu dhibo, isla markaana waana dhaqan laga wanaagsan yahay ayuu yiri Guuleed.

Sidoo kale, Madaxweyne maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa intaa ku daray in horumarka magaalooyin badan oo ku yaalla Galmudug ay dib u dhigeen isbaarooyinka, isla markaana aan la aqbali karin tallaabadas.

Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug wuxuu xusay in malleeshiyaadka laga qaado is-baarooyinka lagu biirin doono ciidamada qalabka sida ee Galmudug si ay ugu shaqeeyaan shacabka Galmudug.

Ugu dambeyn, Maamulka Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay, wuxuu Dagaal kula jiray kooxaha dhigtay isbaarooyinka, waxaana maamulka uu qaaday dhawr jidgooyo oo yaallay waddada isku-xirta Magaalooyinka Cadaado illaa Gaalkacyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya