4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2016
Kulan looga hadlay saamiga haweenka ee Geedi-socodka 2016 oo lagu Qabtay Muqdisho (SWR)

Axad, May 08, 2016 (HOL) — Kulan loogu Magac-daray hirgelinta Saamiga Haweenka ee Geeddi-socodka 2016-ka, ayaa lagu qabtay Muqdisho iyadoo ay ka qayb-galeen kulankaas xildhibaanno, wasiirro, safiirro, culummo, bulshadda rayidka, Haween iyo dhallinyaro.

Wasiir ku xigeenka Qorsheynta Somalia, C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow oo kulanka ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday halgankiii ay Haweenka u soo galeenka xorriyadda dalka, sidoo kale wuxuu tilmaamay in Haweenka markii dalkiu uu galay colaadaha sokeeye ay dadaal u galeen maareynta nolosha qoysaskooda, marka waxay xaq u leeyiohiin inay helaan xuquuqdooda siyaasadeed.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Xasan Abshi Faarax oo mar soo noqday RW-hii Somalia, isagoo soo jeediyay in saamiga Haweenka ay ku leeyihiin baarlamanka ay ku qaataan cayriinka, dibna ay iyagu u soo xushaan cidda metelaysa.

Kulanka ayaa waxaa iyaduna ka hadashay Sahro Sheekh Xuseen oo ka mid ahayd Haweenkii halganka u soo galay xorriyadda dalka, iyadoo sheegtay in haweenka ayu weligood ahaayeen kuwii horseedka u ahaa Halgankii xorriyadda, iyadoo hoosta ka xariiqday in haweenku ay leeyihiin mudnaanta koowaad marka laga hadlayo arrimaha siyaasadda.

Xildhibaanada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo madasha ka hadshey ayaa waxay tiri. “Haweenku xaq bay leeyihiin inay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin baarlamanka iyo hay’adaha kale ee xukuumiga ah ee la dhisayo, waana in la xaqiijiyo in saamiga ay ku leeyihiin oo aan laga duudsiin.”

Agaasimaha Hay’adda SSWC, Aamina Xaaji Cilmi oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa ayaa tiri. “Waxaan Haweenka Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqaynaa inay isku abaabulaan ka qayb-qaadashada xulista xubnaha Baarlamanka Soomaaliya, ayna kaalintooda ka qaataan aayo-ka-talinta ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha  Xaquuqul Insaanka Soomaaliya, Sahro Maxamed Cali Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa waxay cod dheer ku tiri. “Waxaa lagama maarmaan ah in haweenka ay la yimaadaan isbedel dhab ah; kaas oo ah mid ku saleysan waxqabadkoodii hore ee halgankii xorriyadda iyo sida ay uga qayb-qaateen daryeelka qoyska xiliyadii adkaa. Sidaas awgeedna waa waajib inay haweenku helaan xaquuqdooda siyaasadeed.“

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya