4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2016
Dhadhaab: Kenya oo Xirtay DRA oo ah Hayadii Qaxootiga Diiwaangalin Jirtay ee Dawlda Kenya

Axad, Mey 08, 2016 (HOL)-Dawlada Kenya ayaa albaabada isugu dhufatay xafiisyadii DRA (Department of Refugee Affairs) oo ah hayadii qaxootiga diiwaangalin jirtay ee dawlda Kenya, waa gaar ahaan xafiisyadeedii ay kulahayd Dhadhaab.

Arintaas ayaa waxay ka dambeysay markii dhawaan ay sheegtay Kenya inayba damacsan tahay inay xidho xeryaha Dhadhaab oo ay sheegtay in qaxootiga halkaasi kunool ay amni darro usoo jiidaan Kenya. Si kastaba ha ahaatee, majiro hal qof oo hayadaha ammaanku toos ula xiriirsheen inuu kulug lahaa ammaan darro gudaha Kenya kaasoo ka mid ah qaxootigaa.

Arinta ah in ay dawlada Kenya damacsan tahay in ay xirto xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa cabasho xooggan ka muujiyay hayadaha xaquuqul insaanka udooda gaar ahaan kuwa caalamiga ah sida Amnesty International iyo Human Rights Watch.

Amnesty International ayaa tilmaantay in hadii la xiro xeryahaas ay dhibaatoon doonaan qaxootigaa oo qaarkood ay halkaa kunoolaayeen rubuc qarni. Xeryahaas ayaa sidoo kale qaar dadka kunool ay halkaa kudhasheen isla markaana aysan meel kale aqoon.

Maahan markii ugu horeysay ee dawlada Kenya ay sheegto inay damacsan tahay inay albaabada isugu dhufato ama xirto xeryaha Dhadhaab. Haatan ayaa Kenya waxay sheegeysaa inaysan diiwaan galin doonin wax qaxooti ah oo cusub isla markaana ay xiri doonto xeryahaas gebi ahaanba.

Qaxootiga Soomaalida ah ayaa ammaan iyo mahad uga haya Kenya marti galintii iyo taageeradii ay siineysay tan iyo markii Soomaaliya dhibka ah dagaalka sokeeya uu ka qarxay sanadkii 1991 markaas oo la riday dawladii dhexe ee Soomaaliya, dagaalkaas oo daba dheeraaday wajiyo kala duwana yeeshay isla markaana loo caal waayay in la joojiyo.

Xeryahaas ayaa waxaa kunool dad qaxooti ah oo cagacageynaya nus milyan kuwaasoo u badan Soomaali.  

Si kastaba ha ahaateen, dhwaan waxaa iskood Soomaaliya ugu laabtay qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafay toban kun oo qof, waa sida laga soo xigtay hayda QM u qaabilsan amuuraha qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano UNHCR.

Wali waxaa xeryaha Dhadhaab kasocota isdiiwaan galinta ay qaxooti badan oo Soomaali ah ay isu diiwaan galinayaan inay si iskood ah ugu laabtaan dalkoodii hooyo ayadoon cidina qasbin! Arintaa ayaa ka dambeysay heshiis dhwaan ay kala saxiixdeen UNHCR iyo dawladaha Kenya iyo Soomaaliya isla markaana saddex geesood ahaa oo dhigaya in qaxootiga aan la qasbin balse hadii ay door bidaan ay iskood Soomaaliya ugu laabtaan.

Waxaa sidoo kale dhawaan tagay Soomaaliya guddiyo sahan ah oo soo baarayay in qaxootigu ay ku laaban karaan goobo ka mid ah koofurta Soomaaliya halkaas oo ay ka heli karaan ammaan iyo nolol. Magaalooyinka qaxootigii laabtay ay kunoqdeen ayaa waxaa kujira Baydhabo, Kismaayo, Diinsoor iyo Luuq.

Ayadoo ay sidaa jirto, ayaa hadana waxaa la dhimay raashinkii laga qaadan jiray xeryaha Dhadhaab oo markii hore ayadoo lasiin jiray labo jeer raashinka bishii ayaa waxaa laga dhigay haatan hal jeer oo qura bishiiba. Arintaas ayaa walaac galisay qaar katirsan qaxootiga Dhadhaab oo ku dhalisay inay laabtaan oo dalkoodii nolol tan xeryaha dhaanta ay ka jiriyaan.

Qaxootigii laabtay qaarkood ayaa waxaa lagu soo waramay inay ka reysteen noloshii qaxootiga oo ay haatan noloshoodii dib u hagaajiyeen ayagoo jooga dalkooda Soomaaliya hawlo kala duwan oo dhaqaale kasoo galana qabta sida beer falasho iyo ganacsiyo.

Qore: Aaden M Warsame
[email protected]