4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2016
Ugaasyada Gobolka Hiiraan, Dowladda Federaalka iyo QM oo dhinacba si u arka Shirka Jowhar


Axad, May 08, 2016 (HOL) — Shirka Magaalada Jowhar ayaa wali ku jira marxlad u eg jahwareer siyaasadeed, kaddib markii ay isku si u arki waayeen sii socoshada shirka Ugaasyada gobolka Hiiraan, dowladda federaalka iyo beesha caalamka,oo dhinac walba mowqif iska taagay guud ahaanba dhismaha maamulka labada gobol.

Ugaasyada gobolka Hiiraan ee ka biyo diidan shirka Jowhar, ayaan wali kasoo dabcin mowqifkoodii hore ee ahaa in shirka dhismaha maamulka labada gobol loo soo wareejiyo magaalada Beledweyne, iyo dib u eegis lagu sameeyo maqaamka gobolka Hiiraan oo ay ku doodeen in uu mudan yahay labo gobol si la mid ah siddii ay u qeybsameen 7-dii gobol kale ee Soomaaliya.

Hasse ahaatee dowladda federaalka ayaa u muuqata mid wali dhinaceeda ku adkeysaneysa in shirka loo daayo madasha Jowhar, hasse ahaatee laga wadda hadli karo arrimaha kale ee wali dhiman, sidda cidda yeellaneysa hogaanka shirka iyo habka awood qeybsiga, iyadoo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta dowladda sheegeen in ay diyaar u yihiin ku wareejinta shirka salaadiinta iyo ugaasyada gobolka.

Arrimahan oo bilihii ugu danbeeyayba ahaa kuwo cakiran ayaa markii danbe waxaa ku soo biiray saraakiil caalami ah [UN]  kuwaa oo tiro dhowar jeer ah kulamo kala duwan la qaatay Ugaasyada gobolka Hiiraan iyaga oo kala hadlay qadiyada maamul u sameynta labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe , laakiin kulamadaa wax natiijo ah kama aysan soo bixin, kaddib markii leysku fahmi waayay tallo soo jeedin la xiriirtay sii amba-qaadista qorshaha dhismaha maamulka oo aad mooddo in aysan ku qancin duubabka dhaqanka.

Qodobada ugu muhiimsan si leysugu soo dhaweeyay Ugaasyada iyo dowladda federaalka oo ay saraakiisha caalamiga ah soo jeediyeen ayaa waxaa ka mid ahaa in shirka loo qeybiyo labo waji, iyadoo qeybtiisa hore lagu qabanayo magaalada Jowhar, marka danbana loo wareejiyo degmada Buula-burte oo lagu doorayo madaxweynaha maamulka.

Balse waxaa meesha ka buuqta in tallo soo jeedintaas noqon mid shaqeysa, waana tan keentay in dhinac walba meel iska taago aragtidiisa la xiriirta shirka Jowhar.

Dowladda federaalka ayaa wali ku howlan siddii ay dhaqaalle ugu heli laheyd shirka, kaddib markii ay deeq bixiyayaasho shaki badan ka muujiyeen dhaqaale ku bixinta shirka oo ah mid aan wali leysku wadda raacsaneyn.

Inkastoo caqabadaha oo dhan ay jiraan, ayaa haddana dhinaca kale magaalada Jowhar waxaa wali ku sugan ergo ka kala timid gobollada Hiiraan Sh/dhexe iyo Banaadir oo wali rajo ka qaba in mar uun la sii amba-qaado shirka, waloow warar qaar sheegayaan in uu jiro saluug badan oo qaar ka mid ah ergada ka muujinayaan gaabiska uu shirka ku socdo iyo in wali aan lagu wadda qancin ka qeyb-galkiisa.

Ugu danbeyntii, marka leysku darro khilaafka taagan iyo waqtiga dowladda hadda jirta oo isa sii guraya, ayeey dad badani leeyihiin dhismaha maamulka labada gobol waxaa hareereysan mugdi siyaasadeed, inkastoo wax walba is badali karaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya