4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2016
Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweyne Geelle oo Maanta Ka dhaceysa Dalka Jabuuti


Axad, May 08, 2016 (HOL) — Magaaladda Jabuuti ee Caasimada Jamuuriyadda Jabuuti waxaa gaaray Madax dhowr ah oo ka qeyb galayo caleemo saarka iyo dhaarinta Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kale ku guuleystay Madaxtinimada wadanka Jabuuti.

Waxaa Jabuuti maanta ka dhici doonto xafaladda caleemo saarka madaxweynaha Jambuuti iyadda oo ay madasha wali ku sii socdaan masuuliyiin lagu casuumay caleemo saarka.

Xafladda Caleemasaarka waxaa soomaaliya kaga qeyb  galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland,Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Madax kale oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Wadanka Rwanda iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo War ka soo saaray Munaasabadda ayaa maanta Fasaxay guud ahaan Shaqaalaha Dowladda iyo Xarumaha waxbarashada si aysan saameyn ugu yeelan Munaasabadda Caleema-saarka ee maanta ka dhacaysa Wadanka Jabuuti.

Sideeddii Bishii hore ee Abriil, ayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Markii saddexaad dib loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya