4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2016
Sicirka Doolarka oo Sare u Kacay Garowe

Axad, Mey 08, 2016 (HOL)-Qiimaha lagu soo iibsado ama lagula soo wareego doolarka ayaa sare u kacay magaalada xarunta u ah maamulka Puntland ee Garowe.

Arintaa ayaa waxaa loo aaneynayaa ama loo sababeeyay sababo dhowr ah gaar ahaan in colaado halkaa ay ka dheceen in dhawaale iyo in abaaro ba'an ay kajireen Puntland welina ay kajiraan.

Dawlada Puntland ayaa sheegtay inay wax ka qaban doonto dhibaatadaas ayadoo isku dayi doonta sidii qiimaha doolarka hoos loogu dhigi lahaa.

Goobo ganacsi ayaa la xiray iyana gaar ahaan suuqa Inji ee Garowe balse muddo kadib dib ayaa loo furay. Markii hore ayaa suuqaasi Inji waxaa ganacsatadu u xireen muujin ah inay arinkaa ka xun yihiin.

Arintaas ayaa timid kadib markii wada hadal uu dhex maray maamulka iyo ganacsatada. Dhibaatada sare u kaca ku yimid qiimaha doolarka ayaa sarifleyaashu sheegeen in ay ka dhalatay lacago badan oo shilin Soomaali ah oo magaalooyinka Puntland la keenay dhawaan.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Garowe ayaa cabasho xooggan arintaa kamuujiyay. Dadka xoolaha nool iibsada ama kabeec mushtara iyo qudaarleyda ayaa ka mid ah dadka cabashada xooggan arintaa ka muujiyay.

Doolarka oo ahaa awal 23500 ayaa haatan gaaray 25000 oo shilin Soomaali ah halkii doolar.

Qore: Aaden M Warsame 
[email protected]