4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2016
Maamulka Gobolka Awdal oo Maanta Shaaciyay Xubnaha Gudiga Qaban-qaabada Xuska 18 May


Sabti, May 07, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo degmada Boorama kula hadlayay Warbaahinta, ayaa ku dhawaaqay guddiga qaban-qaabada xuska 18-ka May oo ah Maalinta Qaranimada Somaliland, kaddib Markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda.

Guddigani  ayaa waxay ka shaqeyn doonaan qaban-qaabinta munaasabadda 18-ka May, taasoo Somaliland oo dhan laga xusi doono. Ugu horreyn waxaa Warbaahinta la hadlay Maayar ku xigeenka magaalada Borama, Cumar Ileeye Jimcaale, waxaana uu ugu baaqay Ganacsatada Boorame inay calanka astaanta u ah Somaliland ay dul sugaan meheradahooda, isagoo xusay in ciddii aan amarkaas fulin laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale, waxaa kaloo isagana hadlay Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan [Ramaax] oo yiri. “Waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada Laamaha xukuumadda dhamaantood, cid walba waxaa loo qoondeeyay haday dhaqaale tahay ay kaga qayb qaataan dhamaan bulshada waxan leeyahay go’aanada ay gudigu soo saarto waa inaad fulisaan.” Isagoo intaas ku daray. “Waxaanu u turnay qaadhaankii dadka la waydiinayay, Maadaama ay tahay Rubuc Qarni barwaaqo, Nabad-galyo iyo Dowladnimo aan ku gaarnay inaynu xuskaan aad iyo aad u waynayno.”

Dhanka kale, waxaa intaas kaddib shaaciyay tirada xubnaha guddigu ka koobnaan doonaan xoghayaha gobolka Awdal, Asad Cabdi Jaamac oo yiri. Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa 12-xubnood oo ay ku jiraan Ururka haweenka Gobolka Awdal ee NOW, iyadoo Guddigan uu ka kooban yahay laamaha xukuumada, xildhibaannada golaha deegaanka Boorama iyo ururka haweenka ee gobolka Awdal kuwaasoo iyagu qaban-qaabinaya xuska 18-ka May.’’

Ugu dambeyn, Xuska 18-ka May ee Sanadkan 2016-ka ayaa ah kii 25-sano guuradii kasoo Wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka goosatay Somalia ayna caalamka u raadsanayso Aqoonsi.

Nuux Kadiye, Hiiraan Online
Magaalada Boorama, Somaliland