4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2016
Xarunta Cilmi-baarista Dhaqanka iyo Nabada oo Maanta looga Dhawaaqay Muqdisho (SAWIRRO)

Sabti, May 07, 2016 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo loogu talo-galay furitaanka xarun cusub oo qaabilsan Cilmi-baarista, Dhaqanka iyo Nabadda (Center of Research For Culture and Peace (CRCP), ayaa looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, xildhibaanno, wasiirro, wasiir ku xigeenno, Agaasimayaal guud, Safiirro, Aqoon-yahano, Xeel-dheerayaal dhaqan, Haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo fara badan.

Hadal ay halkaasi kasoo jeediyeen, Ibraahim Xasan Xuseen iyo Sundus Xersi Aadan ayaa si qoto-dheer uga sheekeeyay ujeeddada loo dhisay xarunta, iyagoo ku nuux-nuuxsaday in xaruntan ay qaban doonto adeegyo ay ka mid yihiin; soo Nooleynta iyo ururinta dhaqankii Soomaaliyeed, wacyi-grlinta bulshada, u-ololeynta nabadda, ka-digidda xad-gudubyada, diiwaan-galinta tacadiyada, xoojinta lah-jadaha Afka Soomaaliga iyo hawlo kale oo fara badan.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale iyo Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy oo iyaguna xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay furitaanka xaruntan soo dhaweynayaan, iyagoo tilimaamay inay ku dadaali doonaan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen, iyagoo soo jeediyay in la dar-dar-geliyo lana ballaariyo shaqooyinka ay qabanayso.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guryeynta, Inj. Saalax Sh. Cusmaan Muuse oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka xarunta Cilmi-baarista, Dhaqanka iyo Nabadda, Wuxuuna ka warbixiyay qaabka ay ku dhalatay Fikradda lagu Aasaasay xaruntaan, isagoo ku cel-celiyay in xaruntaan ay ka go'an tahay  sidii ay uga soo dhalaali laheyd shaqooyinka hor-yaala.

"Dhibaatada Soomaaliya, waxay salka ku haysaa Dhaqankii Nabadda oo laga tagay, si taas looga baxo waxaan ku talin lahaa in loo noqdo dhaqankii laga tagay ee ku dhisnaa nabada, is-dhax-galka, isku-samafalka, IWM," ayuu yiri Inj. Saalax oo intaas ku daray, inuu ahaan doono Danjire u taagan illaalinta dhaqankii Soomaalida.

Munaasabadda, ayaa intay socotay waxaa lagu daawday Ruwaayad Hal-ku-dhiggeedu ahaa ‘AAY KOO DHUNEE DHAKANKAA’, taasoo aad u soo jidatay dadkii xaflada ku sugnaa ee Daawanayay, Waxaana soo bandhigay Kooxda SHAMBAL, iyadoo sidoo kale xafladda lagu soo bandhigay Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Ugu dabeyn, xarunta cilmi-baarista, dhaqanka iyo nabadda ee Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay maanta, ayaa waxay xafiisyo iyo xarumo kala duwan ku leedahay Afgooye iyo Baydhabo, waxaana lagu talo-jiraa inay ku baahdo Gobolada Dalka oo dhan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya