4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2016
Soomaaliya iyo Tunisia oo ah Dalalka Deeqaha ugu Badan ee Turkiga Lasiiyo

 

Sebti, Mey 07, 2016 (HOL)-Turkiga deeqda dalalka uu aadka usiiyo waxaa ka mid ah Soomaaliya. Waxaa soo raaca dalka Tunisia ee Waqooyiga Afrika.

Haatan ayaa Turkigu asagoo doonaya inuu caalamka ku yeesho saamayn ayaa wuxuu doonayaa inuu kordhiyo deeqaha uu siiyo dalalka dunida saddexaad.  Shirkada TIKA oo dawlada Turkigu leedahay ayaa arimaha gargaarka u xil saaran. . 

Warbixin ay soo saartay dhawaan ayaa TIKA ay kusheegtay in Soomaaliya ay kafulisay mashaariic ku kacay adduun lacageed oo dhan $22.3  milyan. Dalalka Afrika ayaa deeqda ugu badan ee Turkiga loo diraa sida warbixintaasi ay xustay.  

Baddalkii deeq toos ah ay bixin lahayd, TIKA waxay fulisaa mashaariic iyo barnaamijyo loogu tala galay horumarinta beeraha iyo waxsoosaarkooda iyo hayadaha aan dawliga ahayn ee maxaliga ah.


Shir weyne dhawaan ka dhacay Ankara oo ah caasimada Turkiga ayaa madaxweynaha TIKA, Serdar Çam uu ka sheegay in adduunka haatan oo ay heystaan qulqulatooyin, faqri iyo amni darro lagu dabaqi karo arimahaa qaab casri ah oo ku wahajan horumar iyo iskaashi. 

Sidoo kale, dawlada Turkiga ayaa aaminsan isla markaana adeegsata nidaamka waqf (sadaqo fii sabiilillaahi ah) oo waafaqsan diinta Islaamka. Çam ayaa sheegay in dalka Turkigu la wadaagay hantidiisa iyo waayo-aragnimadiisa caalamka  si uu u baahiyo wanaag, naxariis iyo caddaalad.

Waxaa xusid mudan in Turkigu usoo gurmaday Soomaaliya sanadkii 2011 markaas oo dalka ay heysteen colaado iyo abaaro ba'an oo dad iyo duunyaba saameeyay ama galaaftay.

Qore: Aaden M Warsame
[email protected]