4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2016
Fagaare Ku Saabsan Kaligii Talisnimada Gaar ahaan Dhanka Arimaha Gargaarka Afrika oo Lagu Qabanayo Nairobi Bishaan

 

 

Sebti, Mey 07, 2016 (HOL)-Maalinta 9aad ee Bishaan 5aad ee sanadkaan waxaa magaalada Nairobi ee dalkan Kenya ka dhici doonta dood wadaag kusaabsan kaligii talisnimada ku aaddan amuuraha deeqaha iyo gargaarka baniaadminimo ee qaarada Afrika.

 

Dood wadaagaas ayaa ka dhici doonta machadka Rift Valley Institute oo kuyaala caasimadaan Nairobi gaar ahaan xaafada Kileleshwa.

 

Sanadkii 2013, kudhawaad kala bar dadka guddoomaya gargaarka loogu tala galay Afrika waxaa go'aamiyay dawlado kali talis ah. Deeqbixiyeyaal badan oo caalami ah sida USAID, DFID, Baanka Aduunka iyo Guddiga Yurub  waxaa qool looga dhigay siyaasadahooda ajendeyaasha hoggaamiyeyaasha talada haya.

 

Siyaasadaha wax horumarinta  waxaa hadaba qaabeeyay sida ay sheegayaan khabiirada doonaya inay qabtaan dooda aragti ah in xaaladaha iminka taagan sidooda ay sii ahaadaan, arintaasoo tanaazul kusamayneysa xaquuqda iyo dimoqraadiyada ay doonayaan muwaadiniinta dalalka deeqda baxsha.


Buug isla maalintaa oo kuaaddan Isniinta soo socota isla halkaas dooda lagu qaban doono lagu soo bandhigi doono ayaa sharraxaad ka bixinaya arimaha murugsan ee dhanka siyaasada ah ee kasoo ifbaxaya xiriirka u dhexeeya deeqda caalamiga ah iyo dawladaha kali taliska ah ee Afrika.

 

Wuxuu sidoo kale buuggu iftiimin doonaa danaha deeqbixiyeyaasha ee isbaddalaya iyo saamaynta kaalmada shisheeyuhu baxsho ay kuleedahay caawimaada dhanka militariga, horumarinta miyiga, hannaanka doorashooyinka iyo siyaasadaha gudaha ee dalalka Itoobiya, Uganda, Rwanda, Cameroon, Mozambique iyo Angola.

Fagaaraha ayaa guddiga guddoomin doona waxaa ka mid ah aqoon yahano iyo barafasooro Soomaali ah iyo kuwo kale oo kasocda dalal kale oo Afrikaan ah.


Qore: Aaden M Warsame
[email protected]