4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2016
ILKA-XANAF: Ma doonayo in shaqo jacaylkayga uu dalku u galo khliaaf siyasadeed iyo mid Dastuur


Sabti, May 07, 2016 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee dalka, Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf oo shir jaraa’id xalay ku qabtay Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegay inuusan doonayn in dartiisu uu dalku qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur u galo.

Avv. Ilka-Xanaf ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista Madaxweynaha, isla markaana uu diyaar u yahay inuu shaqada ka tago oo uu ka fariisto, maadaama muddo 60-sano ku dhaw uu dalka u soo shaqeynayay.

“Wadanku sharci ayuu leeyahay - waa dhab, wixii sharciga yahay waa sidiisii, wax xaaraan ah anigu ma xalaaleynayo, haddaan danta dalka iyo tan shacabka eegana ma doonayo inaan dhibaateeyo, wax aniga igu saabsan dalkeennu bur-bur uma geli doono, shaqo aan jecleysa-nayo Dalka dhibaato ugama imaanayso, mana jeceli inay ku yimaadaan Waddanku khilaaf siyaasadeed iyo mid dastuur,” ayuu yiri Ilka-Xanaf.

Sidoo kale, Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa xusay in markii uu dalka dib ugu soo laabanayay 1994-kii ujeeddadiisu ay ahayd in minidmada dalka la xoojiyo, wixii markaas ka dambeeyayna uu qabtay xilal kala duwan.

Ugu dambeyn, Avv. Caydiid Ilka-xanaf ayaa 04-tii bishan May waxaa xilka si rasmi ah uga qaaday madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo xilkaas loo magacaabay loona dhaariyay Dr. Ibaarhim Iidle Suleymaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya