4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2016
Masjidka Imtiaz oo ah midka labaad ee ugu weyn Faras Magaalaha Nairobi oo dib loo furay (SWR)

Sawirkaan waxaa laga soo qaatay Zamzam News mahadi haka gaartee


Jimce, Mey 06, 2016 (HOL)-Maanta ayaa waxay ahayd Jimcihii 1aad ee lagu tukaday masaajidka Imtiaz Masjid ee kuyaala faras magaalaha Nairobi tan iyo markii dib loo furay.

Masaajidka Imtiaz ayaa un la furay 1dii bishaan kadib markii dib loo dhisay. Masaajidka ayaa markii hore jiingado kasamaysnaa laakiin haatan ayaa waxaa loo habeeyay qaab cusub oo soo jiidasho leh isla markaana aad u qurux badan asaga oo lagu dhisay dhagax ama sar laga dhigay.

Sawirkaan waxaa laga soo qaatay Zamzam News mahadi haka gaartee


Masaajidkaa ayaa ah midka 2aad ee kuyaala faras magaalaha dhexdiisa caasimada Nairobi asagoo kusoo xiga masjidka jaamaca ah ee Jamia Mosque. Labadaa masaajid ayumbaa la dhihi karaa waxay kuyaalaan faras magaalaha dhexdiisa walow qaar kale oo masaajid ah ay kuyaalaan hareeraha faras magaalaha.

Sidaa daraadeed, masaajidkaa oo la ballaariyay dib u dhis wanaagsana lagu sameeyay ayaa haatan waxaa uu ballaarinayaa fursada ah in qaar ka mid ah jameecada buux dhaafisa masaajidka Jamia Mosque ay halkaa usoo wareegaan oo buuxa sidaa looga yareeyo Jamia Mosque.

Masaajidka Imtiaz ayaa waxaa dib u dhisidiisu qaadatay muddo kudhow 2 sano. Masaajidkaa ayaa wuxuu caan ku yahay culimo aad aqoon u leh isla markaana gudihiisa waxaa aad loogu saliyaa nabiga (scw).

Sawirkaan waxaa laga soo qaatay Zamzam News mahadi haka gaartee


Maanta khudbadii Jimcaha oo xubin katirsan Hiiraan Online uu fursad u helay inuu masaajidkaa kasoo dhageysto isla markaana uu salaada Jimcaha kusoo tukado ayaa waxaa ay kusaabsanayd nimcada eebe ee aan la xisaabi karayn oo ay ka mid tahay in masaajidkaa dib loo furo laguna cibaadeysto mar kale asagoo aad loo habeeyay aadna loo qurxiyay.

Maalintii la furayay ee 1da bishaan ayaa waxaa si rasmi ah xaflada furitaanka u furay caalimka weyn ee Al-Habib Ali bin Zain al Abideen al-Jifri. Taariikhda la furay ee 1da bishaan Mey ee miilaadiga ayaa kubeegnayd 22kii Rajab 1437 taariikhda Hijriyada.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.