4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2016
SAWIRO: Xoogag u Dagaalami jiray Al-shabaab oo ka Qalin-jibiyay Barnaamij Is-dhex-gal ah

Jimco, May 06, 2016 (HOL) — Dagaalyahanno oo horay uga tirsanaa Al-shabaab ayaa ka Qalin-jabiyay xarunta Dhaqan-celinta Baydhaba ee Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaddib markii ay dhameysteen barnaamij dhaqan-celin ah oo aad u adag, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Xafiiska QM ee dalka Somalia [UNSOM].

Xoogaggan Al-shabaab horay uga tirsanaa oo isugu jira 20 Rag ah iyo 19 Haween ah, ayaa intii ay Xarunta Dhaqan-celinta Baydhaba ku jireen, Waxay qaateen Tababarro Farsamada gacanta ah iyo Talooyin la xiriira Cilmi-nafsiga, kaasoo lugu fuliyay  Maal-gelin ka timid Dowladda Jarmalka.

Sanduuqa Hawl-galka Qaramada Midoobey ee Taakuleynta Somalia, UNSOM ayaa gacan ka geystay taabo-galinta hoy-nabdoon oo loogu talo-galay in lagu dhaqan-celiyo Haweenka horay uga tirsanaa Al-shabaab oo laga Hir-geliyey Baydhaba.

Labadan Mashruuc, waxaa fuliyay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM). Middan waa munaasabadii labaad ee ay ku qalin-jabiyaan xoogag Al-shabaab  horay uga tirsanaa tan & markii xaruntan laga hir-galiyay Degmada Baydhaba. Xaruntan ayaa loo arkaa mid ka mid ah Mashaariicda bini’aadamnimo ee dalka laga fuliyay kuwooda ugu guulaha badan.

“Waxaan Baydhaba imid anigoo nafteyda u cabsanaya. Mid ka mid aah saaxiibaday ayaa ii sheegay xaruntan.  Waxaan xaqiiqsaday in xaruntaani tahay meesha keliya ee aan ku bad-baadi karo. Wax badan ayaan bartay. Isbeddel dhab ah - ayaa ku yimid Nolosheyda tan iyo markii aan xaruntaan imid. Waa la i soo dhaweeyay, Waxaana la i siiyey Guri iyo Cunno. Waxaase intaba iiga sii muhiimsan Tababbarka iyo La-talinta aan helay,”  ayay tiri Nimca oo horay uga tirsanayd xoogagga Al-shabaab.

Sidoo kale, Batuula oo iyana horay uga mid ahayd kooxda Al-shabaab ayaa waxay ku boorrisay deeq-bixiyeyaashu inay sii wadaan maal-gelinta mashruuca, si dhallin badn oo Al-shabaab ka tagay ay fursad uga helaan xaruntaan, iyadoo tiri, “Waxaan rabnaa in Haweenka mudnaan gaar ah la siiyo. Raggu waxay haystaan xarun shaqeynaysa. Waxaan rabnaa in haweenkana taasoo kale loo helo. Waayo dumarku waa laf-dhabarka Bulshada.

Munaasibadda Qalin-jabinta xoogaggan ayaa waxaa ka soo Qayb-galay xubno ka socday maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed, oo uu ka mid yahay Ku-simaha Madaxweynaha Ibrahim Lug-buur, Wasiirka hub-ka-dhigista iyo Dhaqan-celinta, Xasan Ibraahim Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Bay, C/rashiid C/llaahi iyo weliba Guddoomiyaha Baydhaba, C/llaahi Cali Watiin. Waxaa sidoo kale joogay Xafladda kooxaha bulshada rayidka ah, Hoggaamiyeyaal Diimeed iyo Odayaal-dhaqameed.

“Maanta waa maalin weyn. Waxaan ku Guuleysannay inaan dhallinyaradan ku qancinno in ay nabadda qaataan, ayna ka waantoobaan dilka shacabka aan waxba galabsan. Waxaa jira jira nolol ka duwan; waxay sameyn karaan Ganacsi, waxayna qayb ka noqon karaan bulsho wax-soo-saar leh,” ayuu Wasiirka Dhaqan-celinta Koonfur-galbeed ka yiri Xafladda Qalin-jabinta.

Madaxa UNSOM DDR Officer, Patrick Loots ayaa dhallinyarada Qalin-jabisay wuxuu ugu hambalyeeyay guusha ay barnaamijkan ka gaareen, Wuxuuna shacabka ku Guubaabiyay in ay gacan ka geystaan sidii ay dhallinyaradan bulshada dib ugu dhex-geli lahaayeen.

"Tani waa maalin muhiim ah; waxaan u dabaal-dagaynaa horumarka ay dhallinyaradaan ku Tallaabsadeen. Waxaan idiin kugu Hambalyeynayaa sida Guushu ku dheehan Tahay ee aad Barnaamijkaan u dhameyseen. Dhallinyaradan maanta Qalin-jabiyay waxay diyaar u yihiin inay dib ugu laabtaan deegaannadoodii, ayna naftooda iyo tan dadkba anfacaan,”, ayuu yiri Patrick Loots.

Ugu dambeyntii, Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Taakuleynta Soomaaliya (UNSOM), wuxuu mudaba safka hore uga jiray dhaqan-celinta dhallinyarada horay ugu soo diriray Al-shabaab iyo dhismaha xarumo caynkaan ah oo laga hir-galiyo magaalooyin kale.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya