4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2016
Waalidka mid ka mid ah wiilal lagu eedeeyay inay doonayeen inay ku biiraan Daacish oo Warbaahinta la hadlay


Jimco, May 06, 2016 (HOL) — Ayaan Faarax iyo C/xamiid  Faarax oo ah Waaliddiinta Mohamed Farah iyo Cadnaan Faarax ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay kasoo Qayb-galeen warbaahinta gobolka kaasoo ayna uga hadlayeen xaalka wiilkooda Mohamed Farah.

Maalin dhow ayaa la bilaabi doonaa Maxkamad ka furmi doonto Minneapolis, Minnesota taas oo ah dacwo ay dowlada ku soo oogtay Wiilal Soomaaliyeed oo ahaa Toban.

Sagaal ka mid ahna ay ku xiran yihiin Xabsiga, Midka soo harayna lagu tuhun sanyahay in uu ku maqan yahay Syria. 6 ka mid ah wiilasha 9 ka ah ayaa dowlada siisay in ay qirtaan danbiga lagu soo eedeeyay oo ahaa “in ay rabeen in ay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanto Wadamada Syria iyo Iraq.”

Sadaxda soo hartay oo uu ku jiro Mohamed Farah Ayaa qorshahaan la siin oo dacwadooda la filayaa in ay bisha May 9, 2016 ka bilaabato Minneapolis, Minnesota.

Waalidiinta Mohamed Farah ayaa ka xanaaqsanaa in Garyaqaanka Mohamed Farah oo lagu magacaabo Murad Mohammed rabay in wiilkooda uu qirto danbiga culus ee lagu soo eedeeyay kaas oo ah in uu rabay in uu dad ku dilo wadanka dibadiisa. Mohamed Farah iyo Labo Wiil oo kale oo la kala yiraahdo Guled Omar iyo Abdirahman Daud ayaa wali qiran danbigaas lagu soo oogay.

Waalidka Mahamed Farah ayaa ku adkaysanaya in wiilkoda uu san ahayn mid wax dilay. Ka mana uu san bixin Maraykanka.

Xaalada Qoyskan ayaa ah mid gooni ah sababtoo ah  wiilkooda labaad Adnaan Farah ayaa dhawaan qirtay in uu eedayntaas ku jiro jiro, in kasta oo Adnan ka fududyahay dacwadiisa oo dowlada ay siisay qorshe uu ku qirtay danbigiisa lamana garan karo waxa wuu xukunkiisu noqon doono.

Waalidka ayaa intaas ku daray in wiilkooda loo diiday in ay booqdaan, oo uu 23 saac meel gooni ku xiran yahay. Saadiq Warfaa, oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arimaha Soomaalida Maraykanka oo dacwadan qoysaska in mudo ah kala shaqeenayay ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimaa ay leedahay in Qoysaskan helaan “Maxkamad Cadaalad ah oo Xaquuqda aasaasiga ah ee Maxaabiista leedahay oo ay ku jirto in lagu booqdo xabsiga arintan Xaakimka fiiriyo”

Maanta Galinkii danbe ayaa Qareenka Mahamed Farah waxuu ka codsaday in uu san sii noqon Qareenka Mahamed Farah, Go’aankaas oo ay waalidka soo dhaweeyeen, Waxayna  ka codsadeen in Xaakimka Michael Davis in uu Qareen Cusub u  magacaabo Mohamed Farah, Sababta oo ah iyada ay dhuntay kalsoonida ay ku qabaan Qareenka, ka dib markii uu qareenka ku cadaadiyay in Wiilkooda uu qaato midka ah in uu rabay in uu dad ku dilo wadanka dibadiisa. Iyaga oo wajigooda caro ka muuqato ayay Ayan Farah Tiri “Sidee u qiran karaa qof danbi aasan galin”

Siyad Saciid Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis Minnesota