4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2016
Golaha Adeegga Garsoorka Dalka oo Maanta soo dhaweeyey xil ka qaadidii Avv Caydiid Ilka-Xanaf


Khamiis, May 05, 2016 (HOL) — Kulan ay Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka Somalia maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay xil-ka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Avv. Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf iyo sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir, iyagoo sidoo kalena kulankooda kusoo dhaweeyay magacaabidda Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Dalka.

Marki uu kulanku soo Dhammaaday, ayay Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka la hadleen warbaahinta, iyagoo sheegay inay soo dhaweynayaan wareegtadii Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud shalay soo saaray ee xilka looga qaaday Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee dalka, isla markaana lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub.

Luul Maxamed Taabit oo ka mid ah xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka, ayaa sheegtay in ay la shaqeyn doonaan guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare, ayna soo dhaweynayaan Wareegtadii Madaxweynaha, iyadoo sheegtay in Guddoomiyaha Cusub  ay ka rajeynayaan wada-shaqeyn wanaagsan.

Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Cali [Wariiri] oo isaguna Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare, isla markaana uu xilka wareejin doono maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Ugu dambeyn, Kulanka Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka, ayaa kusoo beegmaya kadib markii Wareegto Shalay kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia lagu Magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare oo loo magacaabay, Ibraahim Iidle Suleymaan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya