4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2016
Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia ee Maanta oo Qodobbo kala duwan looga Hadlay


Khamiis, May 05, 2016 (HOL) — Kulankii Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia ay ku yeesheen maanta Muqdisho oo uu shir guddoominayay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa looga hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen; hawl-gallada dhanka ka ah Al-shabaab iyo xog-ururin ku saabsan sahminta Shidaalka Soomaaliya.

Waxaa ugu horreyn kulanka warbixin looga dhageystay Wasaarada Difaaca Somalia taasoo faahfaahin ka bixisay Hawl-gallada ay ciidanka xoogga ee looga Sifeynayo meelaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana ay warbixinta ku xustay in ay ka sifeeyeen Al-shabaab deegaano fara badan, ayna sii soconayaan illaa laga xorreynayo dhamaam deegaannada ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale, Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Somalia, ayaa soo bandhigtay xog-ururin Shidaal oo ay Sameysay Shirkadda Spectrum ASA - Taasoo Sahmin Shidaal ka Sameysay dhul-badeedka Koonfurta Soomaaliya.

“Dhul-badeedka xog-ururinta laga sameeyay wuxuu gaarayaa 20,582.75 KM, xogtan cusub waxay kaabi doontaa xog badeed hore oo dhan; 20,000 km, taas oo lasoo aruriyay sanadkii 2014. Labada xog waxay sahlayaan in Daraasad gun fog lagu sameeyo rajada shidaal ee ku jirta badda Soomaaliya oo dhan,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda bartoolka.

Wasiirka Badroolka oo Arrintan sharaxayay ayaa xusay in Toddoba ruux oo bartay cilmiga Geology (Geo-scientists) ayaa ka Qayb-galay Xog-ururinta kuwaas oo Tababar lagu siiyay sida Maraakiibta xogta u ururiyaan, isla markaana Xubnaha Tababarkan la siiyay inay aadi doonaan Magaalada Qaahira, Masar si loo baro sida loo fasiro xogta.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Qorsheynta - ayaa Golaha u soo bandhigtay qabyo qoraal ku Saabsan Qorsheynta Qaranka, Waxaana Wasaaradu ay soo Bandhigtay Qorshaha Qaranka, kaasoo ka duwan Qaabkii hore ee loo Diyaarin jiray, Waxaana Wasaaraddu xustay in Qor-shahan uu koobayo dhammaan baahiyaha kala duwan ee hay’addaha Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada Dalka.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya