4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2016
Colaaddii Sannadkii lasoo dhaafay ka billaabatay Burundi oo la sheegay in lagu dilay Boqolaal Qof


Khamiis, May 05, 2016 (HOL) — Tiro ka badan 451-qof ayaa lagu dilay rabshadihii dalka Burundi ka billowday Dalka Burundi bishii Abriil ee Sannadkii hore 2015-ka; iyadoo War-bixin uu booliisku soo saaray Maanta lagu Shaaciyay in baqdin laga qabo inay ka dhacaan dalkaas colaado sokeeye.

urundi ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore ka socday colaado u dhexeeya xoogag mucaarad ah iyo ciidanka xukuumadda, kuwaasoo dillaacay markii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Waddankaas, Pierre Nkurunziza uu shaaciyay in uu Hoggaanka dalkaas u tartamayo markii saddexaad, iyadoo dib loo doortay bishii July 2015-kii.

“Warbixinta booliiska waxay muujinaysaa in 451-qof la dilay tan iyo markii ay Bujumbura ay ka bilowdeen rabshadaha, iyadoo dadka la dilay ay 77 ka mid ah ay ahaayeen ciidammo booliis ah, halka 374-ta qof ee kalena ay ahaayeen dad shacab ah,” ayuu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska dalka Burundi.

Mucaaradka Burundi ayaa kasoo horjeestay go’aanka uu madaxweyne Pierre Nukurunziza mar saddexaad isugu taagay hoggaanka loo doortay, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid burinaysa dastuurka dalkaas oo madaxweynaha u ogolaanaya inuu xilka hayo laba xilli oo keliya.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in 59-ruux oo Saraakiisha Booliiska ka mid ah la xiray sannadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka, kaddib markii ay si xun ula dhaqmeen Shacabkii dhigayay Dibad-baxayaashii looga soo horjeeday xukuumada Bujumbura, balse faahfaahin intaas ka badan lagama bixin.

Xukuumadda Burundi, ayaa horay u diidday in ciidankeedu aysan shacabka dibad-baxyada dhigayay si xun ula dhaqeem. Iyadoo kooxaha mucaaradka ah ee dowladda kasoo horjeeda ayay Tiradoodu tahay saddex, kuwaasoo mid ka mid ah ay Hoggaaminayaan Saraakiil sare oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee dalkaas oo bishii May dalka Burundi ka sameeyay afgambi fashilmay.

Rabshadahan, ayaa waxay Dublamaasiyiinta caalamku sheegeen in ay ahaayeen kuwo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah, laguna beegsaday taageerayaasha xukuumadda iyo Mucaaradka, kuwaasoo khilaaf siyaasadeed uu soo dhex-galay.

Dhanka kale, Dublamaasiyiinta shisheeye iyo shacabka ku sugan Bujumbura, ayaa sheegay inay muuqanayaan calaamado walaac leh oo u eg inay dalkaas uu ku wajahan yahay colaad sokeeye oo ku saleysan isir.

Ugu dambeyn, Burundi ayaa waxay qarka u saaran tahay inay ka dilaacdo colaado isir ku saleysan oo u dhexeysa Huutuu-ga tirada badan iyo Tuutsiga tiro yar ee dalkaas ku nool.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya