4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2016
Safiirka Somalia u fadhiya Dalka Koonfur Afrika oo ka Warbixyiay Qorshaha Safaarada ee Sanadkan


Khamiis, May 05, 2016 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya ee dalka Koonfgur Afrika Jamaal Maxamed Barrow oo Shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Safaaradda, ayaa ka warbixiyay wax-yaabihii u qabsoomay tan iyo intii xilka loo magacaabay iyo xukuumadda Soomaaliya oo u kordhisay waddamada uu Danjiraha ka noqonayo oo ay ka mid yihiin, Angola, Zimbabwe, Swaziland, Bostwana iyo Muzambique, kuwaasoo uu sheegay in labo ka mid ah ay hadda ka aqbaleen danjirenimada.

Safiirka, ayaa si gaar ah uga hadlay Tasiilaadka ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed u fidiso, isagoo sheegay in ay aad ugu fududeyn doonaan Hawlaha ay Safaaradda uga baahdaan dhammaan Jaaliyadaha ku dhaqan waddamada hoos yimaada Safaarada Somalia ee dalka Koonfur Afrika.

Danjire Baroow ayaa dhanka kale ka hadlay inay ka shaqeenayaan sidii ay Waxbarasho iyo Tababaro ugu heli lahaayeen Ardayda Soomaaliyeed iyo dhallinyarada ku nool Soomaaliya iyo Waddamada ee ay safaaradu ka Hawl-gasho.

Ugu dambeyn, Danjiraha Somalia u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, ayaa waxaa Hor-yaalla hawlo badan oo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka loosoo magacaabay ay ka cabanayaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin sharci xumo, dhac iyo boob ganacsiyadooda loo geysto iyo dal kugalada wadamadaan oo aan inta badan lasiin Soomaalida.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Hiiraan Online, Koonfur Afrika