4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2016
[Faalo]: Maxaa sabab u ah in uu Soomaliya dagaal sokeeye ka qarxo?

 

Khamiis, Mey 05, 2016 (HOL)-Waxaad moodaa in mawduuca la xiriira jawaabta  laga bixin karo suaasha ah maxaa dhaliyay dagaalka sokeeye ee ka qarxay soomaliya in uu aad u balaadhan yahay , balse waxaan isku dayaynaa in aan sharax kooban ka bixino.   

Aan marka hore soo qaadano maxaa dhaliyay dagaalka soomaliya marka xigana aan eegno dadka soomalida iyo deegaanka ay ku noolyihiin si ay inoogu fududaato in aynu daraasayno qaran waxaa uu yahay

Dagaalka soomaliya ka dhacay marka daraasad cilimyaysan lagu sameeyo waxaa sabab u ah todoba qodob oo aad u muhiima oo saldhig u ah nooca iyo qaabka uu dagaalka sokeeye uga bilowday soomaliya

Todobadaas  qodob waxaa afka qalaad lagu yiraa [The properties of state ]kaasi oo macnahiisu yahay waxa qaranku leeyahay,

hadaba Waxaan is dul taagi doona qodob qodob sida ay u kala horeeyaan  qaramada midoobay waxyaabaha ay dawlad ku ictiraafto waana sida hoos u qoran 

1.Qaranku waa in uu dhul leeyahay[ state must have toritary]

2,Qaranku waa in uu dad leeyahy[state must have population

3.Qaranku waa in uu madaxbanaan yahay[state must have soviliant]

4.Qaranka waa in taariikh ahaan la aqoonsan yahay oo ay jiraan dad aqoonsan dhaqanka, diinta iyo deegaanka  ay bulshadaasi dagan yihiin  [state must have regulation]

5 .waa in qaranku leeyahay dawlad [state must have a government]  marka laga hadlayo dawlad maaha dalwadaha hada ku dhisan habka casriga ah balse ta aynu hada ka hadlaynaa waa  dawlada ku dhisan hab dhaqan ama traditional kaasi oo leh xeerar ay isku xukumi jireen ,tusale magta in ay kala qaadan jireen hadii ay ahaayeen qabiilo ama jilibyo,isla markaana lahaa hogaamiyeyyaaal ku salaysan nidaam qabali ah  sida guurtida

6. Qaranku waa inuu leeyay nidaam isku xira  [ state must have circulation system]dawladu waxaa ay leedahay wadooyin  dakado .Airport,tareeno iyo Boostooyin. Dawladii Soomaliya waxaa ay lahayd laga soo bilaabo 1960kii-1991 nidaamkaasi ah circulation systemka

7. Qaranku waa in uu leeyahay hanti sida khayraadka dabiiciga ah Markaas todobadaasi qodob ayaa qaramada midoobay salshig u ah inay ummad qaranimdeeda ku aqoonsato . Akhristow markan intasi soo fahamnay waxan si fudud u fahmi karnaa burburkii soomaliya ku yimid meesha uu ka bilowday iyo waxaa aysku haysto ee qaranku u saldhigan laayahay

Soomaliya waxaa ka dhacay dagaal ku salaysan midka qabiil laakiinse markaad dhinac ka eegto  ereyga qabiil qeexitaankiisa saamayn kuma yeelanayo dadka soomalida waayo soomalida waa dad isku af ah iski diin ah isku midab ah  sidaa darteedna aynu oran karno waa dad isku isir ah oo qaadan kara in ay yihiin hal qabiil lakiinse caalamka  waxaa uu  aqoonsanyahay dagaalka ka socda soomaliya in uu yahay mid ku dhisan nidaam qabii

Raadka dagaalka soomaliya  Waxaa la oran karaa waxaa soo abuurtay in dagaalku sidaasi u dhaco dawladii uu hogaaminayay maxamad siyaad bare  ka dib markii shaki ku timid dawadnimadii  oo  qof walbaaba uu doonayo in uu boobo hantidii dadka ka dhaxaysay lana baal maray sharcigii laysku maamulayay oo qof kastaa gacantiisa ku qaatay ,taasoo dhulka la dhigay qarankii soomaliyeed ee mudada sodonka sano la soo dhisayay dhamaan kaabayaasha nolsha sida caafimaadkii iyo waxbarasho lacag la,aan ahayd kaasi oo si weyn ay ugu diirsadeen umadii soomaliyeed ee ku noolayd geeska afrika guud ahaanteedba

Dagaalka lagu qaaday Dawladii dhaxe ee soomaliya kama bilaabmin 1991kii laakiinse waxaa ka horeeyay mucaaradad xoogan oo ay kala hor yimaadeen ururo siyaasad ku dhisan oo u qaabaysnaa qaab qabiil taasoo markii danbe sababtay in uu burburo nidaamkii dawladnimo oo dawladii dhaxe meesha ka baxday

Nasiib daro jabhadihii siyaasadeed ee badalay nidaamkii ka jiray jumhuriyadii soomaiya waxay isku dayeen in todobaadaa qodob ee aynu kor ku soo xusnay sida qodobka koowaad oo qeexayay dhulkii in ay iyagu gacanta ku dhigaan,  dadkii haday noqoto tayadoodii in ay iyagu noqdaan ,madaxbanaanidii sidoo kale in ay ururadaasi ka turjumaan umada soomaliyeed

Dhanka kale waxaa taa sii dheer in urur walbaa uu doonayo in uu samaysto xiriiro caalami ah si  ay caalamka uga dhaadhaciyaa in loo aqoonsado in uu isagu hogaankii yahay  jimciyada quruumaha ka dhaxaysana aqoonsato in ay qaran noqdaan

Sido kale waxaa sabab cad u ah dagaalku uu sii socd .dhulka leh khayraadka mustaqbalka ee dhaca labada wabi oo iyana keentay in loolan adag uu ka jiro siina hurisay dagaalka sokeeye

Meelaha dekadaha lihi waa ay ka dhibaato badan yhiin marka laga hadlayo dagaalada dhulka aan dakadaha lahayn sida kismaayo ,muqdisho  iyo kuwa kaleba waayo waxaa laysku qabsaday sidii jabhad kasta ama urur kastaa uu gacanta ugu dhigi lahaa taasna waxaa ay keentay in dagaalada sokeeye ee ka socda koonfurta soomaliya uu yahay midka uu la dagi laayahay

suaashii ahayad maxaa dhaliyay dagaalka sokeeye ee daba dheeraaday ee soomaliya in ay nooga filan tahay todobadaasi qodob oo cagta la mariyay gabi ahanba  wax tanaasulana ilaa hada aan shacabka soomaliyeed ee qabiilka ku dhisan uu gaari laayahay

Waa Qormadii iyo Diyaarintii Maxamuud Axmednuur (Xaaji Gool)-oo ah wariye iyo qoraa ka faalooda arimo badan oo bulshada iyo siyaasada la xiriira.
[email protected]
Fikradaha halkaan ku qoran HOL sina masuul ugama ahan ee asaga ayaa loo nisbeynayaa.