4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2016
Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo Wada Olole lagu Xoojinayo Haweenka (SAWIRRO)

Khamiis, May 05, 2016 (HOL) — Xubno ka socda Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya oo ay Hoggaamineyso Guddoomiyaha Ururka haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo muddooyinkan ku sugnaa Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeellada Hoose, si ay u xoojiyaan doorka haweenka ee maamullada la dhisayo.

Haweenkan ayaa u joogo Degmada Jowhar inay Waxgaradka, Aqoon-yaanada, Haweenka, Dhallinyada iyo Culummada ay ka Dhaadhiciyaan sidii Haweenka Door Muuqda ay ugu yeelan lahaayeen Siyaasadda Maamulka loo sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Kulammo is-daba-joog ah ayay Haweenka ka socdo ururka Haweenka Qaranka la qaateen maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe, Wasiiri Dowlaha Madaxtooyadda Guddoomiyaha Gudiga farsamada maamul u sameynta labada gobol waxay intaba kala hadleen muhiimada ay leedahay in haweenka siyaasadda kaalin muuqdo laga siiyo.

Gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhex ayaa balan Qaaday in Haweenka ay ku Taageerayaan in Siyaasadda Qayb muuqato laga siiyo waliba mida goboladda oo howshooda lagu jiro wax ay sidoo kale sheegeen in aysan qaban doonin diiwaan aysan ku jirin Haweenka intay wadaan howsha maamulka loogu un-kayo gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Dhinaca kale, Haweenkan ayaa shiriyay 300 oo Dumar ah kuwaasoo ay is weydaar-sadeen sida ugu wanaagsan ay siyaasadda uga qeyb-qaadan karaan waxay haweenkii hadlay soo jeediyeen inay dadaal muujinayaan, laakiin loo baahan yahay in raga ay wax ogolaadaan ka sokow go’aanka dowladda.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay inay sii wadayaan dadaalka ay ugu jiraan sidii Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqdo uga qaadan lahaayeen siyaasadda wadanka waxa ay tiri,“ waxa aan bilownay kacdoon ka dhan ah raadinta qoontada haweenka ee 30% waxa aan u taagan nahay in meel kasto aanu tagno sidii ay Haweenka qayb la arki karo ugu yeelan lahaayeen Masiirka dalka waxaan goor dhaw gaari doonaa magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan Halkaasoo aan ka sameyn doono barnaamijyo wacyi gali ah sidaasi waxa tiri gudoomiye Batuulo.”

Ugu dabmeyn, Tan iyo mudada ay Haweenka Qaranka ku sugan yihiin Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellada Dhexe waxay qaybaha kala duwan ee dadka ku nool magaaladda iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe heer Gobol iyo heer Degmo la qaateen in ka badan Shan kulan oo midkiiba xooga lagu saarayay in Haweenka Siyaasadda laga Qayb-galiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya