4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2016
Khilaafkii ugu adkaa oo soo Dhex-galay Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo RW-hiisa Davutoglu


Khamiis, May 05, 2016 (HOL) — Xisbiga talada haya ee dalka Turkiga haya ee AK, ayaa lasoo sheegayaa inuu soo dhex-galay khilaaf, kasoo ka dhashay muran adag oo u dhexeeya madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga oo ahaa labada mas’uul ee isugu dhaw marka la eegto Xukuumadda Turkiga.

Hogaamiyaha Xisbiga AK, ahna Ra'iisul Wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaan la filayn inuu u is-taago doorashada hoggaamiyaha cusub ee Xisbigaas, taasoo dhici doonta dhammaadka bishan lagu jiro ee May.

Sidoo kale, Davutoglu ayaa la sheegay inuu si cad u diiday siyaasado kala duwan oo uu wato Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, gaar ahaan Qorshihiisa ku aaddan beddelida Dastuurka dalka Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa lasoo sheegayaa inuu galay xaalad siyaasadeed oo aad u adag, iyadoo aan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono, waxaana wararku ay sheegayaan in muranka xisbiga AK u dhexeeya uu cirka isku sii shareerayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Turkiga iyo RW-hiisa ayaa waxay horay u ahaayeen laba ruux oo saaxiibbo ah, inkastoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa khilaafkan oo kusoo beegmay xilli dalkaas uu horumar ku socdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya