4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2016
Xildhibaanno kasoo Hor-jeestay xil-ka-qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare


Khamiis, May 05, 2016 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan golaha shacbiga qaranka ayaa sharci-darro ku tilmaamay xil-ka qaadista uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ku sameeyey guddoomiyihii maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdillaahi Ilka-Xanaf.

Wareegto uu shalay soo saaray madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu cadeeyay in abuukaate Ceydiid Ilka-xanaf oo muddo sanado ah soo ahaa guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka xilka laga qaaday xili wadanka uu u darban yahay in uu galo nidaam dowli ah oo cusub.

Xubno ka tirsan Xil-dhibaannadan baarlamaanka soomaaliya ayaa ku tilmaamay tallaabta madaxweynuhu xilka uga qaaday Abuukaate Ceydiid mid aan dastuuri aheyn waqtiga lagu soo beegaynahay uu yahay waqti dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaankaa yaaa ka mid ah dadka sida weyn uga soo hore jeedo xil ka Qaadistii lagu sameeyay Abukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka-Xanaf Waxa ay tiri “ Waa Nasiib xumo in madax weynaha uu xiligan xilka Ka qaado Abukaate Ceydiid gudoomiyihii Maxkamadda Sare.

Waxaa sidoo kale Qaadacay xil ka qaadistaasi Xildhibaan Maxamuud Axmed Kulalihi oo sheegay in haddii tani ay sidaani ku socoto baarlamaankana uu kala tagi doono.

Ugu dambeyn, Horay ayay xildhibaano baarlamaanka ka tirsan u diideed xilka qaadis lagu sameeyo xubno dowladda ka tirsan balse waxa sidaasi u weyn kama uusan dhaqan galin hadalkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya