4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Midowga Yurub oo ku Taliyay in Dadka Turkiga loo Ogolaado inay Fiiso la’aan geli karaan Yurub


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa si rasmi ah ugu taliyay inay Muwaadiniinta Turkiga loo ogolaado in Fiiso ama Dal-ku-gal la’aan ay geli karaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Yurub.

Tallaabadaan, ayaa looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo heshiis Ururka Midowga Yuurb uu horey ula galay Xukuumadda Turkiga, kasoo ku saabsan Muhaajiriinta dalkeeda soo mara ee galaya Yurub.

Guddoomiye ku xigeenka golaha ururka Midowga Yurub Frans Timmermans ayaa sheegay in Turkigu uu ku qasban yahay inuu kasoo baxo shuruudaha lagu xiray oo uu ku tilmaamay kuwo aad muhiim u ah.

Sidoo kale, Tallaabadaan Dal-ku-galka la’aanta Muwaadiniinta Turkiga ayaa Dhaqan-geli doona Bisha July ee Sannakaan, laakiin waxay arrintaas u baahan tahay inuu Meel-mariyo Baarlamaanka Midowga Yurub iyo inay dalalka Yurub Arrintaas isla ogolaadaan.

Heshiiskaan, ayaa dhigaya in Dowladda Turkiga uu la Wareego Muhaajiriinta Giriigga uga soo tallaabay dhanka badda Aegean-ka, iyadoo tani ay qayb ka tahay sidii loo yareeyo soo-galootiga Yurub galay dhawaanahan.

Ugu dambeyn, Golaha Midowga Yurub, ayaa isbadal ku sameeyay nidaamka magan-gelyo siinta Yurub, si loo yareeyo dhibaatada Giriigga iyo Talyaaniga ka haysata Muhaajiriinta faraha badan ee kusoo Qulqulaya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya