4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
SAWIRRO: Madaxweynaha Galmudug oo Maanta ku Laabtay Cadaado kana Hadlay Safarkii Jigjiga

Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta dib ugu laabtay degmada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug, kaddib Wada-hadallo uu maalmahan uu ugu maqnaa magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Xubnaha Wafdfiga Guuleed ayaa waxaa ka mid ahaa; Xubno golihiisa Wasiirrada ka tirsan iyo Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug, Waxaana wafdiga Garoonka kusoo dhaweeyeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo xubno maamulkaas ka tirsan.

C/kariin Xuseen Guuleed oo Warbaahinta kula hadlay Cadaado - ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay u tageen Itoobiya xallinta dhibaatooyinkii dhawaan ka dhacay xadka Somalia iyo itoobiya iyo sidii is-maamulka Soomaalida-itoobiya iyo Maamulka Galmudug ay isaga kaashan lahaayeen la-dagaalanka argagixisada, ilaalinta xuduudaha iyo sidii labada waddan ay isku kaashan lahaayeen, lagana wada-shaqeeyo dib u heshiisiin wada-dega deegaannada ku yaalla xuduudaha labada wadddan ay wadaagaan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacday Soohdinta labada Waddan ay is af-garad dhameystiran ka gaareen labada maamul, laguna ballamay in haddii ay dhibaato dhacdo ay xalliyaan Guddi labada dhinac ka kooban.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya