4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
SAWIRO: Shirkii Baarlamanka Afrika oo furmay - Iyadoo lagu soo Qaadayo Xaaladda Soomaaliya

Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Shirka Baarlamaannada Afrika (Pan African) oo la qabto Sanad walba Afar jeer oo labo ka mid ah looga hadlo arrimaha Siyaasada iyo Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa maanta furmay kaasoo ay ka Qayb-galayaan Mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Madaxweynihii Hore ee Mozambique, Madaxweyne ku xigeenka Sierra Leone, Saddex Guddoomiye baarlamaan oo uu ka mid ahaa; Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti, Wasiirro ka Socday Xukuumadda Koonfur Afrika iyo Gambia iyo Weliba Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waddanka Jabuuti, Maxamed Cali Xaamud oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii khudbadaha ka jeediyay furitaankii shirka oo ajandihiisa ugu weyn uu ahaa illaalinta Xuquuqaadka Aadanaha iyo Garabsiinta Haweenka, ayaa sheegay in Dastuurka dalka Jabuuti uu ku saleysan yahay labadan ajande ee kulankan uu ku saabsan yahay.

Xildhibaan Cabdi Xukun oo ah Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Shirka kaddib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankaan Baarlamaanka Afrika uu Somalia macno badan u leeyahay, madaxdii timid-na ay inta badan xaaladaha adag ee Afrika ka jira ay Soomaaliya mudnaanta Koowaad geliyeen.

Sidoo kale, Shirkan oo Somalia uga duwan kulamadii ka horreeyay, ayaa waxaa la Qabtay doorasho lagu Dooranayay Guddoomiyaha Guddi-gobaleedka Dalalka Bariga Afrika oo ay ku Tartameen Xildhibaan Cabdi-xukun iyo Xildhibaanad Itoobiya u dhalatay, waxaana ku guuleystay kursigaasi Somalia.

Xildhibaan Cabdi-xukun oo ku guuleystay guddoomiyaha Guddi-Gobaleedka Bariga Afrika ee Baarlamaanka Afrika ayaa ka warbixiyay qaabkii ay u dhacday doorashada iyo cododka uu ku guuleystay. wuxuuna intaa ku daray in xildhibaannadii codkooda ku taageraaysan Somalia, aysan aniga si gaar ah iigu codeyn.

Ugu dambeyn, Kulankaan Baarlamaanka Afrika oo ah Kal-fadhigii Afaraad kulankiisa labaad, ayaa waxaa lagu Dhaariyay ku dhawaad 50-Xildhibaan oo bedelayay kuraas ay banneeyeen Xildhibaannadii ka yimid dalalkooda, Waxaana Xildhibaannada lagu dhaariyay kulankii maanta ka mid ahaa; Xildhibaan Bilow Keerow oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Kenya iyo xildhibaanad Saxarla C/llaahi oo iyaduna ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya oo labaduba kasoo jeeda deegaannada  ay Soomaalidu dagto ee Kenya iyo Itoobiya.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Hiiraan Online, Koonfur Afrika