4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Wasaarada Batroolka Somalia oo soo Bandhigtay Xog-ururinno ku saabsan Shidaalka Soomaaliya


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Wasaarada batroolka iyo macdanta xukuumadda Somalia oo kaashanaysa Shirkad Caalami ah ayaa Dhul-badeedka ku teetsan Koonfurta Soomaaliya waxay ka sameeyeen Xog-ururin ku saabsan Sahminta Shidaalka ee Somalia oo Maalin ka hor soo gaba gabowday.

Wasiirka wasaaradaasi mudane Maxamed Muqtaar Ibraahim oo la hadlay HOL, ayaa faah-faahin ka bixiyay Arrinkaas oo uu sheegay in shirkada Caalamiga ah Spectrum ASA iyo qubara Soomaali ah oo ka tiraan wasaaradda batroolka ay si guul ugu soo gaba gabowday sahmintaasoo maalin ka hor ay kasoo dageen Markabka ay ku sahminayeen xeebaha dalka.

Muqdisho Shirkada Spectrum ASA waxay si guul ah kusoo gaba-gabeysay xog uruurintii (2D seismic data) dhul badeedka Koonfurta Soomaaliya. Waxay ahayd 5 September 2015 markii Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) iyo shirkada Spectrum ASA ay heshiis xog uruurin ah ku wada galeen xaflad lagu qabtay SYL Hotel kaas oo ku yaalo magaalada Muqdisho. Wax dhibaato ah ama amni daro ah ma aanay dhicin intii lagu jiray xog uruurinta.

Dhul-badeedka Xogta laga ururinayay ayaa cabirkiisu ahaa; 20,582.75 Km. Xogtaan cusub wax ay kaabi doontaa xog badeed hore oo dhan 20,000 km taas oo lasoo ururiyay 2014-kii. Labada Xog waxay Sahlayaan in daraasad gun-fog lagu Sameeyo Rajada shidaal ee ku jirta badda Soomaaliyeed. 

Shirkadda Spectrum, Waxay billowday in ay fasirto xogtaas oo Diyaar noqonaysa Qaybaha danbe ee sanadkaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baahin doonta natiijada Xogta shidaal ama gaas ee laga soo uruuriyay badda ku teedsan koonfurta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Waxaa intaa dheer, toddoba qof oo bartay Cilmiga geology (Geo-scientists) ayaa ka qayb galay xog uruurinta,  kuwaas oo tababbar lagu siiyay sida maraakibta xogta u uruuriyaan. Dadka tababarka soo qaatay waxa ay aadi doonaan Qaahiro Masar, halkaas oo lagu bari doono xarunta Spectrum ku lee dahay sida loo fasiro xogta.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya