4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
GOODAX: DF Somalia Waxaan isku Af-garannay in Ergada Hiiraan ka joogta Jowhar dib loo celiyo


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo khadka Teleefoonka uga Qayb-galay kulan maanta ay ku yeesheen Odayaasha-dhaqanka Gobolka Hiiraan Magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka isku Af-garteen in dib loo celiyo ergada gobolka Hiiraan ka joogta Magaalada Jowhar.

“Waxaan is-aragnay Ra'iisal Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Waxaan ka wada-hadalnay sidii leysugu keeni lahaa duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Dowladda oo aad u kala fogaaday, qodobkaas markii aan si toos ah uga wada hadalnay waxey naga dalbadeen oo ra'iisal wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha naga codsadeen annaga oo xildhibaanadii ah in aan ka ergeyno si is afgarad loo gaaro, annagana waxaa u sheegnay duubab & odayaal laga been abuurto oo dadkoodii loo gacan dhaafay oo waxaan siyaasada iyo anshaxa ku wanaagsaneyn lagula kacay ergo ugu tagi karin,loona baahan yahay taa badalkeeda in marka hore xukuumadu niyad sami la timaado, lagana bilaabo in dhamaan ergadii ku xareysnaa magaca duubabka gobolka Hiiraan dib loogu soo celiyo Beledweyne, markaas kadib ayaan ergeyn karnaa ayaan u sheegnay, Ra'iisal Wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha wadda tashi kaddib waxay nagu soo celiyeen inay aq-baleen dalabkii aan u soo jeedinay, intaa kaddibna waxaan weydiinay fariinta ay noo dhiibayaan waxay tahay si aan arintan u guda-galno, waayo su'aal ayay na weydiin doonaan duubabka dhaqanka, ma waxaan u sheegnaa in wax kasta Jowhar iyo Sh/dhexe loogu roonaaday, mise gobolka Hiiraan wax cad oo aad leedihiin waxaas iyo waxaas ayuu mudan yahay oo aad noo sheegi kartaa ayaa jirta, waan ka soo tashaneynaa ayeey nagu dhaheen, ilaa iyo haddana dib nooguma soo noqon, waxaad moodaa in arintaa ay ku yara adkaatay''ayuu yiri C/llaahi Goodax.

Dhinaca kale xildhibaan Goodax ayaa sheegay in kulan dhaxmaray gollaha xukuumada iyo safiirada dowladdaha safaaradaha ku leh dalka looga wada hadlay arinta maamul u sameyta labada gobol.

"Waxay isku dayeen in safaaradaha shisheeye u sheegaan inaan iyadoo la dhisin maamulka labada Gobol Hiiraan iyo Shabellada Dhexe doorasho la gali karin, Laakiin Safiirada si cad ayeey u sheegeen in labadaa arrimood marnaba isku xirneyn, dhinaca kalana wax dhaqaalle ah ku bixin doonin shirka Jowhar ka socda illaa laga dhameeynayo khilaafka taagan," 'ayuu yiri xildhibaan Goodax.

Ugu danbeyn, Hadalka Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa noqonaya kii ugu Horeeyay ee ka soo yeeray xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo si toos ah u khuseeya arintamaha la xiriira Shirka dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo illaa iyo hadda aan leysku afgaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya