4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare oo la Dhaariyay iyo Xasan Sheekh oo ka Hadlay (COD)

Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay xaflad lagu Dhaarinayey guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka ee uu madaxweynahu magacaabay.

Xafladda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Maxakmadda sare ee dalka Dr Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Somalia, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, wasiirka Cadaalada, wasiir-u-dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Nabad-sugidda.

Madaxweynaha Somalia oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda dhaarinta ayaa faray dhammaan hay’dahaha Dowladda Soomaaliya inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee maxakmadda sare.

DHAGEYSO: Xil-ka-Qaadistii Avv. Caydiid Ilka-Xanaf iyo Magacaabiddii Dr. Iidle;

“Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha Amaanka waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub ee loo magacaabay Maxkamadda sare ee dalka. Waxaan Rajerynayaa in shacabka Soomaaliyeed tabashooyinkii uu ka qabay garsoorka in badan oo ka mid ah xal loo heli doono, Waxaan Guddoomiyaha cusub ku bogaadinayaa inuu wajaho Tabashooyinbka ay Shacabku ay Qabaan,” ayuu yiri Madaxweynaha .

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiiri-geliyay guddoomiyaha cusub, isagoo u Ballan-qaaday in Dhammaan Hay’adaha Dowladda ay kala shaqeyn doonaa Hawlaha loo egmaday.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Xanaf, isagoo isla maanta xilkaas u magacaabay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya