4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
HADLIYE: Dowladda Soomaaliya way la Socotaa Gabadhii Soomaaliyeed ee isku gubtay NAURU


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay inay Dowladda Somalia la socoto gabar Soomaali ah oo isku gubtay xaro Qoxooti oo ku taalla Jasiiradda Nauro oo ku dhaw Australia.

Gabadhaan oo lagu Magacaabo, Hodan Axmed Barre oo da’deedu tahay 19- sano jir, ayaa horay looga soo celiyay dalka Australia kaddib markii looga soo daweeyay dhaawac kasoo gaaray madaxa markii ay ka dhacday mooto, iyadoo Dowladda Australia ay sharci adag kasoo saartay Qaxootiga dalkeeda ku qulqulaya.

“Dowladda Somalia way la socotaa gabadha dhallinyarada ah ee isku gubtay Nauru, si ay u Tusto dareenkeeda Soomaalida iyo Dadka kale ee Qoxootiga ah ee dhegaha laga fureystay. Waanan la soconnaa in Dowladda Australia ay diiday in Qoxooti Dalkeeda ay sharci-darro ku galaan,” ayuu yiri Wasiir C/salaan Hadliye.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Somalia ay ku dadaali doonto sidii xaaladda Dalka loo Hagaajin lahaa, isagoo xusay inaanay dalalka Caalamka ka qarsoonayn xaaladda Soomaaliya ay ku sugan tahay xilligaan.

Gabadhan Soomaaliyeed ee isku gubtay Jasiiradda Nauru ayaa la geeyay Australia si loogu daweeyo, iyadoo xaalkeeda Caafimaad la sheegayo inuu yahay mid adag, isla markaana la daweynayo.

Ugu dambeyn, Qaxootiga lagu hayo Jasiiradda Nauru ayaa Tiradooda lagu sheegay 800 oo qof, oo kasoo kala jeeda dalal badan oo caalamka ah, kuwaasoo ay qayb ka yihiin Qoxooti Soomaaliyeed oo rag iyo dumar isugu jira.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya