4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Booliiska Kenya oo Shaaciyay inay ka Hor-tageen Weerar Argagaxiso oo ku Wajahnaa Dalkeeda


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Kenya ayaa sheegtay inay fashilisay Weerar Arga-gaxiso oo ay Damacsanaayeen in ay Dalkeeda ka geystaan Shabakad ku Xiran ISIS, Walow aysan sheegin magaca Shabakadda.

Booliska Kenya ayaa xabsiga dhigay laba haween iyo nin qabay midkood, iyadoo dhanka kalena abaal-gud lacageed dul-dhigtay laba nin oo kale oo baxsad ah.

War-saxaafadeed uu soo saaray Taliska Booiliska Kenya, ayaa lagu sheegay in Xabsiga la dhigay Mohamed Abdi Ali oo tababar Caafimaad u joogay isbitaal ku yaalla Kenya, waxaana loo xiray ku lug lahaanshaha Shabakad Argagaxiso oo qorsheynaysay inay Kenya ka geysato mid lamid ah weerarkii Westgate oo kale.

Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu xusay in ninkaasi uu ku howlanaa falal Xag-jirnimo ah sidoo kalana uu arday Kenyan ah ka caawiyay inay ku biiraan xoogagga Daacish ee ka dagaalama Libya iyo Suuriya.

Afada Ninkan oo lagu magacaabo, Nuseiba Mohammed Haji oo ardayad ah, ayaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in lagu xiray dalka Uganda waxaana lala soo xiray saaxiibteed oo lagu magacaabo Fatuma Mohammed Hashi.

Shabakadan ku xiran Ururka Daacish ayaa sida lagu cadeeyay bayaanka wuxuu yoolkeedu ahaa inay weerarkaasi u adeegsato Jeermiska dilaaga ah ee Anthrax.

Bayaankan ayaa waxaa lagu xusay in Mohammed Abdi Ali ay fal-dambiyeedkaasi ku wehlinayeen laba nin oo kale kuwaas oo la la’yahay-balse waxaa magacyadoodu lagu kala sheegay Ahmed Hish iyo Farah Dagane.

Booliska ayaa waxay ballan-qaadeen in 9,900 oo lacagta Mareykanka ah ay abaal-gud u siin doonaan cid kasta oo ka caawisa soo qabashada Farah Dagane iyo Ahmed Hish.

Ugu dambeyn, Taliska booliska Kenya ayaan kala caddeyn halka ay shabakadaasi qorshey-naysay in ay Weerarka ka gaysato iyo weliba Xilliga lagu Asteeyay, marka laga soo Taago inay damacsaneyd weerar ay ka fuliso gudaha Kenya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya